Saturday, September 5, 2026
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos
Al Bayaan
No Result
View All Result
  • Login
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
No Result
View All Result
Al Bayaan
No Result
View All Result

Dacwada Soomaaliya iyo Dowrkii Sh. C/qaadir Nuur Faarax Documentary dhamaystiran (Daawo)

majlisalbayaan by majlisalbayaan
December 8, 2016
in Somali, Videos
0
Dacwada Soomaaliya iyo Dowrkii Sh. C/qaadir Nuur Faarax Documentary dhamaystiran (Daawo)

Documentary-gan qaybo kamid ah horaa loo daabacay, hadase waa markii ugu horaysay oo isagoo dhamaystiran la faafiyey, muhiimadiisa darteed ayaana keentay in markale la faafiyo, wuxuu sawir buuxa kaa siin doonaa Caalimkii Sh. Abdulqaadir kumuu ahaa iyo faafinta dacwada Islaamka muxuu ugu fadhiyey.
Sh-Cqaadir
Muuqaal taariikhan (Documentary) kan wuxuu ka hadlayaa dowrkii dacwada Soomaaliya uu kulahaa Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ahaa caalim si wayn looga yaqaanay geeska Afrika iyo Caalamkaba. Sidoo kale wuxuu ka hadlayaa sidii loo dilay Sheikha, cidii dishay, sababtii loodilay iyo ehelka Sheikha oo arintaan markii ugu horaysay sharxaya.

Waxay ahayd goor aan Salaadii casar ka baxnay waxaan joogay magaalada Boosaaso, warxun wax ka dhakhso badan gabar ayaa markiiba isoo wacday markaasay igu tiri mamaqashay in Sh. Cabdulqaadir la dilay intaan is diidsiiyey, ayaan iri iikaadi, markiiba waxaan wacay Sh. Ahmed Cabdisamad oo aan ku ogaa Garoowe, igama qaban, waxaan ku xijiyey Sh. Cabdiqani Qorane, wuxuu iigu jawaabay Sh. Cabdulqaadir illaahay ha u naxariisto, isagoo salaad Casar kujira oo Masaajidka ku jira ayaa Madaxa laga toogtay, hadana maydkiisii ayaan korjoogaa.

Subxaanalaah, murugo badanaa, Salaad, Masaajid, Sheikhaas dada ah, fadliga uu ummada Soomaaliyeed ku leeyahayna aan nina ka qarsoonayn, tolow yaadilay, tolow maxaa loodilay, maxaa Masaajidka loogu dhexdilay, su’aalo aad u badan ayaa Maskaxdayda mashquuliyey.

Islama markiiba qofkasta oo soo gaari karay Garoowe meeshiisii ayuu kasoo dhaqaaqay, waxaana ceeryoontay Garoowe, Muuqaal taariikheedka ayaad ku arki doontaa meelihii laga yimid.

Qoraalakan waa hordhac kooban, insha allaah markale ayaan soo qori doonaa qoraalo taxane ah oo ka hadlaya safarkaygii Puntland iyo dhacdadii aan la kulmay.

Illaahay ayaa mahad dhamaanteed leh ii qadaray inaan fursad u helo inaan aruuriyo qayb kamid ah taariikhdii Sh. Cabdulqaadir, Muuqaal taariikheedna ka samayno kaalintii uu ku lahaa dacwada Salifiga ah ee ka hana qaaday Soomaaliya iyo wax u qabashada ummada Soomaaliyeed.

Muuqaalkan wuxuu ka kooban yahay afar qaybood, b)Barbaaridii Sheikha iyo waxbarashadiisii, t) Faafinta dacwada iyo bilowgii saxwada Soomaaliya iyo kaalintiisii, J) Waxqabadkiisii, Mawaaqiftiisii iyo marag fur dadkii yaqaanay, x) Sidii loo dilay, cidii dishay, sababtii loo dilay iyo hadalkii ay ka yiraahdeen, qoyskii Sheikha, Culimmadii Soomaaliyeed iyo ummada Soomaaliyeed guud ahaan.

Gabagabada Muuqaal taariikheed kana waxaad sawir buuxa ka qaadanaysaa sidii madashii la isugu yimid ahayd, aaskii Sheekha iyo qaar ka mid ah dardaarankii Sheikha.

Waxaan mahad gaar ah u naqayaa tan illaahay kadib, dhamaan dadkii tirada badnaa ee ka qayb qaatay hirgalinta muuqaal taariikheedkan, si gaarana waxaan ugu mahad naqayaa qoyska Sheikha oo iyagoo marxalad adag ku jira naga ogolaaday inay dowrkooda ka qaataan M. Taariikheedkan. Somalitalk.com iyo halgan.net waan uga mahad celinayaa faafinta Muuqaal Taariikheed kan.

Qayb kamid ah muuqaal kan waxay ka hadlaysaa Waxqabadkii Sheikha ee baaxada lahaa qaybada ka mid ah, markii aan raad raac kusamaynay waxqabadkii Sheikha waxaa muuqatay inaan lagu dabooli kari waqtigaan kooban sidaas daraadeed waxaan kasoo qaadanaynaa intaan ka gaaray.

Sheikha waxqabad kiisa kuma koobnayn dacwada oo kaliya ee wuxuu ahaa mid isu dheeli tiran, oo daboolaya dhinacyo badan, haday ahaan lahayd dhinaca Waxbarasha, gurmadka iyo gargaarka banii’aadanimo, caafimaadka, dadka dhimirka ka xanuunsan, siyaasada, nabadaynta iyo qaybaha kale ee arimaha bulshada.

Waxaa kaloo looga hadlayaa doorkii uu kulahaa aas aasida xarakaad ka Islaamka ee Soomaaliya ka hirgalay.

Waxaad baran doontaa markaad filimkaan dhamaysato kumuu ahaa Sh. Abdulqaadir, Sidoo kale waxaad ka garaabi doontaa dilkii Sheikha ka dib sidii dunidii laga yaqaanay Sheikha halmar isula kacayday murugo iyo caro wada socota, taasoo qiraysa fadliga uu Sheikhu ummadaan ku dhexlahaa.

Sidoo kale waxaad ku xasuusanaysaa xadiiskii Nabiga (scw)

((إِذَا أَحَبَّ اللَّهُ الْعَبْدَ نَادَى جِبْرِيلَ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ فُلَانًا فَأَحْبِبْهُ فَيُحِبُّهُ جِبْرِيلُ فَيُنَادِي جِبْرِيلُ فِي أَهْلِ السَّمَاءِ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ فُلَانًا فَأَحِبُّوهُ فَيُحِبُّهُ أَهْلُ السَّمَاءِ ثُمَّ يُوضَعُ لَهُ الْقَبُولُ فِي الْأَرْضِ ))
[البخاري عن أبي هريرة]

“Illaahay markuu jeclaado adoon wuxuu u yeeraa Jibriil, illaahay wuxuu jeclaaday hebel ee jeclow, wuuna jeclaadaa jibriil, wuxuuna u dhawaaqaa sammada ahalkeeda, illaahay wuxuu jeclaaday hebel ee jeclaada, wayna jeclaadaan sammada cida kusugan, markaa kadibna dhulka ayaa loo dhigaa qubuul (aqbalaad)

Waxaan u rajaynaynaa Sheikha dadkaas inuu ku jiro, illaahay isaga iyo anagaba hanagu daro.

Muuqaal Taariikheed kan waxaa idiin soo gudbiyey Minhaj Media Production,waxaana soo agaasimay soona saaray Sh. Xasan Dhooye. talo iyo tusaalayn fadlan kusoo hagaaji dhooye@hotmail.com.

Hoos ka Daawo Dacwada Soomaaliya iyo Dowrkii Sh. C/qaadir Nuur Faarax Documentary dhamaystiran

Previous Post

SHEEKH SHARIIF OO GABAY SOO DHAWEYN AH UTIRIYAY CULUMADII KA QAYB GASHAY MU’TAMARKII K/AFRIKA

Next Post

Muxaadaraad ku saabsan Khatarta Shiicada oo xalay lagu qabtay Masjidka Al-hudaa ee Garoowe.[Daawo Video]

Related Posts

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

June 5, 2022
SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

December 27, 2018

Sheekh Cabdirashid Sh.Cali Suufi oo maanta soo gaaray magaalada Johannesburg, Daawo Sawirada

December 15, 2018
SH ABDULKADIR AL-AHDAL OO MAANTA DIB UGU LAABTAY DALKA TANZANIA

SH CABDULQADIR AL-AHDAL OO DIB UGU LAABTAY TANZANIA Daawo Sawirada

October 29, 2018
SH CABDULQADIR AL-AHDAL OO DIB UGU LAABTAY TANZANIA Daawo Sawirada

SH CABDULQADIR AL-AHDAL OO MUXAADARO KA JEEDIYAY MASJID ASH-SHAFICI

October 21, 2018
Next Post
Muxaadaraad ku saabsan Khatarta Shiicada oo xalay lagu qabtay Masjidka Al-hudaa ee Garoowe.[Daawo Video]

Muxaadaraad ku saabsan Khatarta Shiicada oo xalay lagu qabtay Masjidka Al-hudaa ee Garoowe.[Daawo Video]

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

November 5, 2025

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
  • Home
  • Services
  • Shuyookh
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com