Laascaanood:-Jaamacad cusub oo loogu magac ILAYS National University ayaa shalay waxaa laga furay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, iyadoo xafladdii furitaanka ay ka soo qayb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan Jaamacadaha magaalada , Dalladaha waxbarashada ee gobolka bahda qalin maalayasha gobolka Sool , Culimau’diin Aqoonyahanno, ururrada dhalinyarada,iyo kuwa Bulshada, Haween iyo marti-sharaf kale oo fara badan .
Jaamacada Ummada Ilays (INU) ayaa bixinaysa Takhsusaad gaar ah oo ay ka mid yihiin; Computer Science ayaa waxaa warbixin ku saabsan Jaamacadda ka soo jeediyay munaasabadda guddoomiyaha Jaamacadda, Yasiin Cali Daahir isagoo yiri.”Jaamacadda Ummada Ilays waxay bixinaysaa koorsooyinka kala ah Bachelor Science Computer (BSC) Bachelor Computer Application (BCA) iyo Bachelor Science Computer Network oo iyana saddex Takahsusaad kale oo ay ka mid
tahay Luqadaha , Cilmi Nafsiga , Maamulka iyo Maaraynta iwm.
Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa xusay in Jaamacada Ummada Ilays University ay bixin doonto koorasyo ay ka mid yihiin (Newly Computerised System With Integrated Labs, New CISCO Routers and Switches iyo A Library With Huge Collection af Books. Wuxuuna intaas ku daray in Jaamacadu ay waxbarashadaas u diyaarisay qalab casri ah oo ardayga u sahlaya inuu si fudud wax ku barto.![]()





