Saturday, September 5, 2026
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos
Al Bayaan
No Result
View All Result
  • Login
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
No Result
View All Result
Al Bayaan
No Result
View All Result

Admiral Faarax Cumar Axmed “Xuduuda Badda Soomaaliyeed ma ahan 12nm ee waa 200nm”

majlisalbayaan by majlisalbayaan
December 8, 2016
in Articles, Social Affairs
0
Admiral Faarax Cumar Axmed “Xuduuda Badda Soomaaliyeed ma ahan 12nm ee waa 200nm”
  • Taliyaha Ciidammada Badda Soomaaliyeed  ayaa si qayaxan u diidey mashruuc lagu doonayo in badda Soomaaliya lagu soo koobo 12nm, shir ka dhacay Seychelles ayuuna warqad diidmo ah u gudbiyey….

Sida aan ka helayno warar lagu kalsoon yahay oo ku saabsan shir lagu soo gabagabeeyey  Dalka  Seychelles magaala madaxdiisa ee Victoria September 17, 2011 kaas oo looga hadlayey ammaanka gobolka Geeska Africa, ayna ka soo qayb galeen gunaanadkiisii Wasiirada Gaashaandhigga iyo Taliyayaasha Ciidamada ee Dawladaha Geeska Africa ee ku midoobey ururka loo yaqaan EASTERN AFRICA STANBDAY FORCE (EASF)*,  ayaa Taliyaha Ciidammada Badda Soomaaliyeed  waxa uu si qayaxan u diidey mashruuc ay soo wada diyaariyeenwaddamada deeqaha bixiya qaarkood, (oo ballan qaaday maalgelinta mashruucaas haddii Dawladaha Geeska Africa ay isku raacaan), iyo Dawlado ka tirsan ururka EASF, kaas oo la rabey in la keeno Dekedda Muqdisho ciidamo ka tirsan dalalkaas si ay u ilaaliyaan nabadgalliyada dekedda Muqdisho iyo waxa loogu yeeray xuduudaha badda ee Soomaaliya , ayna gacan siyaan AMISOM.

Soo jeedintaas waxaa gaashanku ku dhiftay Admiral Faarax Cumar Axmed oo ah Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed  oo shirkaas ka qayb galay, wuxuna ku tilmaamay mashruucaas mid meel ka dhac ku ah qaranimada iyo hantida ma guuraanka ee Ummadda Soomaaliyeed ay leedahay (An attack on the Somali soveregnity and the natural heritage of the Somali people), markii uu arkay, sida ku cad maababka ku jira mashruucaas, in xuduuda badda Soomaliyeed oo ay ciidamadaasi ilaalin lahaayeen (Haddiiba la oggolaado) in ay ku kooban tahay ilaa 12nm, wixii intaas ka baxsanna ay ku tilmaamaameen “International Water“. (Eeg Lifaaqa 1aad).

Admiral Faarax Cumar Axmed wuxuu u qoray Taliyayaashii Ciidamada ee shirkaas ka qayb galay iyo shir-guddoonkoodaba warqad caddayn ah (Eeg Lifaaqa 2aad) oo uu ku sharraxayo in Somalia ay ledahay xuduud badeed waafaqsan xeerarka badaha caalamka sida ku cad (Law No. 37 on the Territorial Sea and Ports, of 10 September 1972) (Eeg Lifaaqa 3aad). Sharcigaas oo ay  ku caddahay in xuduuda badda Somaaliyeed ay tahay 200nm ama 370 Km, isaga oo ka soo sheekeeyey qaababkii uu soo maray diyarinta iyo hirghelinta sharcigaa Law 37, sida ku cad warqaddiisa, maadaama uu ilaa waqtigaas uu ka tirsanaa Taliska Ciidanka Badda Soomaaliyeed.

Wuxuuna shirguddoonka ka dalbaday qodobada kala ah:

  • In cidda ku tilmaantay xuduuda badda ee Soomaaliya in ay tahay 12nm, in ay hor keenaan shirguddoonkan qaanuunka ay arrintaas u cuskanayaan, maadaama uu isagu cuskanayo qaanuunka sare ku xusan oo qeexaya  in xaduud badeedkanagu yahay 200nm.
  • In gebi ahaanba laga saaro ajendaha laga doodayo shirkaas mashruucaan wax yeelaynaya qaranimada xuduudaha badda Soomaliyeed.
  • In  raalli gelin (Apology) ay ka bixiyaan ciddii soo diyaarisay mashruucan looga been sheegayo xuduud badeedka  Soomaaliyeed iyada oo sharciga ah ee ay leedahay Ummadda Soomaliyeed,

Kaddib markii Dawladihii mashruucan gadaal ka riixayey ay soo hordhigi waayeen shirguddonka wax qaanuun caalami ah oo beddeley Law No. 37 ee Territorial Sea and Ports, of 10 September 1972, Shirguddoonkii waa uu ka aqbalay codsiyadii  Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed Admiral Faarax Cumar Axmad, raali gelin ayaana halkaas looga soo jeediyey Soomaaliya, sida qaldan oo loogu xusay xuduud badeedka Soomaaliya dokumentiighii mashruucaas lagu soo diyaariyey, iyo iyada oo mashruucaas gebi ahaantiis laga saaray go’aamada laga soo saarayey shirkaas, maadaama ay Soomaaliya  caddaysay in aysan u baahnayn in ciidamo shiisheeye oo ka socda Dawladaha ku jira EASF.

 

eaadmir

Kulanka EASF ee Seychelles – Sept 17, 2011, Isha sawirka: www.nation.sc (11th Ordinary Session of the EASFCOM)

 

Kulanka lagu qabtay dalka Seychelles ee Eastern Africa Standby Force Coordination Mechanism (EASFCOM) waa kulankii 11aad ee ay yeeshaan saraakiisha iyo taliyayaasha ciidamada ee 10 dal ku jira ururkaas.

faarax_qare2
Faarax Qare oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho 2009

 

Faarax Qare ma aha markii ugu horesey ee uu difaaco Badda Soomaaliya. Waxay ahayd June 3, 2009 markii uu Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo ku caddeeyey qaabka ay u cabiran tahay badda meesha u dhaxaysa laba dal. Xilligaas oo DFKMG ay heshiis is-afgarad ah la gashay Kenya oo lagu leexinayey cabbirka badda, ayuu waxa uu Admiral Faarax Qare yiri “Laba dawladood hadday deris yihiin Qaanuunka Dawligu wuxuu qabaa iyo kaayaga lafteedu labaduba wuxuu qabaa in ay u dhaxayso khad taagan, xarriijin taagan oo sagaashan digrii ah (90o) in ay u dhaxayso, ilay waad ogtihiin haddii 90o khad qaadato labada dhinacba sagaashan ayey ka tahay, waa u simanahay, khadkaas ayaa dhexdayada taagan, kaas ayaa la sii jiidayaa, kaas ayaana xuduud ah sidaas ayaana Qaanuunkeenu qabaa, qaanuunka dawliguna qabaa, marka waxaan filayaa anaga iyo Kenya waxaan isaga hor nimdaanoba meesha kuma jiraan.”

Video: Halkan ka daawo… | Audio ama MP3 – June 2009

Admiral Faarax Cumar Axmad
Admiral Faarax Cumar Axmad (Faarax Qare), Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed

 

========================

*EASF Dawladaha ku midoobey waxaa ka mid ah: Burundi, Comoros, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Seychelles, Somalia, Sudan, Uganda. Waxaana ururkan la asaasay 2004:http://easfcom.org/HTML/About_Us.html

— Lifaaqa 1aad: Khariidaddii (Map) xadgudubka ahaa ee uu Taliayaha Ciidan Badda Soomaliyeed uu diidey in shirka Seychelles la horkeeno. (Riix halkan)

— Lifaaq 2aad: Warqaddii Admiral Faarax Cumar Axmad u qoray Taliyayaasha Ciidammada Geeska Africa (ALL Chiefs of Defence Staff of the Eastern Africa Region) (Riix halkan).

— Lifaaqa 3aad: (Law No. 37   on the Territorial Sea and Ports, of 10 September 1972… RIIX/GUJI).

Draft Protocol ee asaaskii ururka EASF (Jinja, Uganda) eeg halkan http://www.issafrica.org/AF/RegOrg/unity_to_union/pdfs/igad/easbrigfeb04prot.pdf

Shirkii koowaad ee 2004 (Addisaba Itoobiya) ee ay yeesheen ururka EASF eeg halkan http://www.iss.co.za/AF/RegOrg/unity_to_union/pdfs/igad/easbrigjul04.pdf

  • Mudaharaad Email Ku Jawaabid ah Looga soo Horjeedo Boobka Badda Soomaaliyeed

Faafin: SomaliTalk.com | September 18, 2011

Xigasho: http://somalitalk.com/2011/badda/difaac26.html

 

Previous Post

TUKASHADII SALAADDII CIIDDA EE KOONFUR AFRIKA 1436/2015-MARAAKISTA GOLAHA ALBAYAN.

Next Post

UUR DOOX Qaybta 3-aad:

Related Posts

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

June 5, 2022
SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

December 27, 2018

Sheekh Cabdirashid Sh.Cali Suufi oo maanta soo gaaray magaalada Johannesburg, Daawo Sawirada

December 15, 2018
SH ABDULKADIR AL-AHDAL OO MAANTA DIB UGU LAABTAY DALKA TANZANIA

SH CABDULQADIR AL-AHDAL OO DIB UGU LAABTAY TANZANIA Daawo Sawirada

October 29, 2018
Next Post
Uur Doox: Mashruuca Islamiga ee Soomaaliya – Qaybtii 2-aad

UUR DOOX Qaybta 3-aad:

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

November 5, 2025

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
  • Home
  • Services
  • Shuyookh
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com