Johannesburg: Maadaadaama lagu jiro fasaxii qaybtii saddexaad 20152-ka ee sannad-dugsiyeedyada waddanka Koonfur Afrika, ayaa waxaa madaarista Alsunnah Cape Town iyo Albayaan Johannesburg loo kaxeeyay dalxiis maalinle ah oo ay si xiiso leh ugu soo cayaareen caruurta, ayadoo ay macalimiinta iyo waalidiintuba la socdeen.

























