Waa barnaamij ay soo diyaariyeen TV-ga Qaranka uuna isku soo dubariday Cabdiqaadir Axad oo ka mid ah wariyayaasha SNTV ee Koonfur Afrika iyo cawiyayaashiisa ( Filim qaade Mahad Istiille iyo Caydaruus).
Waana barnaamij taxane ah oo lagaga hadlaya Tajwiidka waxaana inoo soo jeedinaya Sh Cali Ibraahim Cali (Cali Tawxiid) oo ah Imaamka Masajid Imaam Shaafici ee magaalada Johannesburg, ahna mas’uulka Madarasada Albayaan Johanesburg.







