Xafladaan oo aheyd mid lagu soo xirayay sanad dugsiyeedka labaad ee Iskuulka Mayfair Muslim School oo kuyaala magaalada Johannesburg ayaa waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada oo iskugu jiray, Aqoonyahano, Macalimiin, Waalidiin iyo Ubadka wax kabarta iskuulka iyo madarasada Albayaan oo labadaba hoos taga Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Albayaan ee dalkaan Koonfur Afrika.
Ardayda wax ka barata Mayfair Muslim School oo u dabaal dagayay xiritaanka sanad dugsiyeedka Labaad ee iskuulkooda ayaa waxay masraxa munaasabada kusoo bandhigeen, riwaayado, khudbado, baraanbur iyo anaashiid ay ku amaanayaan qiimaha ay waxbarashada iyo barbaatinta macalinka iyo waalidka leedahay.
Munaasabadaan ayaa intii ay socotay waxaa hadalo ka jeediyay qaar ka mid ah aqoonyahanadii iyo walidiintii goobjooga ka ahaa bandhiga ay sameenayeen ardayda Mayfair Muslim School ee magaalada Johannesburg, waxayna tilmaameen in bulshada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ay nasiib u heleen iskuul iyo madaraso lagu baranayo diinta iyo maadooyinka kale oo ay maamulayaan macalimiin Soomaaliyeed.
Macalin Maxamed Abuukar Axmed oo ah Maamulaha Iskuulka Mayfair Muslim School oo warbaahinta la hadlay gabagabadii Xafladaan loogu xirayay ardayda sanad dugsiyeedka labaad ayaa sheegay inay xafladaani iskugu jirtay xiritaanka sanad dugsiyeedka iskuulka iyo 26 arday oo kasoo gudubtay fasalka ka horeeya fasalka Koowaad ee dugsiga Hoose oo shahaadooyinkoodii qalinjabinta lagudoonsiiyay.
Ugu danbeyn, Munaasabadaan oo aheyd mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu soo xirayay Sanad dugsiyeeyda Ischoolka Hoose Ee Mayfair Muslim School, waxaana ardayda kaalmaha koowaad iyo labaad lasiinayay koobab halka kaalinta saddexaad lagudoonsiinayay abaalmarin lacageed, waxayna ardaydu ugudbayaan sanadka cusub fasalka Afaraad.
Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail: mmsidow@gmail.com
Johannesburg, Koonfur Afrika



















