18 May 2017
Maalinkii Axadda 14/5/2017 waxaa lagu qabtay Magaalada Pretoria, ee wadanka koonfur Africa, kullan uu soo qaban qaabiyey Maamulka Markazka Imaam Bukhari Albayaan ee Magaalada Pretoria, kullankaas oo lagu casuumay marti sharaf gaaraysa 62 qof oo iskugu jira Akhyaarta, Culimada iyo Ducaada Magaalada Pretoria.
Ujeedka kullanka ayaa ahaa in xog-waran laga siiyo marti sharafta Markazka iyo wadatahi ku saabsan sida ugu haboon ee loo hour marin karo Dacwada iyo Adeegyada uu masaajidka u hayo Bulshada Muslimka ee ku xiran Masaajidka.
Kullanka waxaa daadihinayey Imaamka 2aad ee Masjidka Imam Bukhari sheikh Abdalla Abu xamse, waxana ka halday Imamka 1aad ee Masjidka sheikh Mohamed Hassan Hakar oo ka warbixiyey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray masjidka, hawlaha uu Umada Muslimka, iyo caqabadaha ka jira Masjika, sidoo kale waxaa kullanka ka hadlay Dr sheikh Yuusuf Mohamed Husein oo warbixin ka siiyey martii kullanka ka soo qaybgashay isagoo aad ugu dheeraaday Taariikhka Hay’adda Albayaan Islamic council Trust, hawlaha ay ummadda u hayso iyo Ahdaafta ay u taagan tahay xaqiijintooda.
Waxaa isna kullan hadal Qiimo badan ka jeediyey Sh Mohamed Adan oo ka taariikheeyey Bilawgii Saxwada islaamiga ah ee Somaaliya, waxaa sido kale hadalo qiimo badan soo jeediyey Culimada kala ah:, sheikh Abdi xalane Maxada xafiiska warbarashada iyo Hidaha ee Safaarada Somalia ee Koonfur Afica , Sh Shaakir Abdullahi Adan, sheikh Maxamed Yuusuf Ubaxle iyo Gudoomiye Abdifitax Siyad.

Kullanka ayaa ku soo idlaaday Jawi degan, iyadoo ay aad ugu riyaaqeen ka soo qaybgalaashii kullanka oo ahaa kii ugu horeeyey ee noociisoo kala ah.
Abuu Xamza | Pretoria | Warbaahinta Albayaan









