20 May 2017 | Basbaas
Maanta oo ay bishu ahayd 20/05/2017, waxaa Tartan quraan lagu qabtay xaafadda Lenasia oo ka tirsan magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika, tartankaasoo ay ka soo qayb galeen arday ka badan boqolaal.
Ardaydu waxay ku tartamayeen jusaska kala ah 30ka Jus, 15ka jus, 5ta jus iyo Hal jus.
Madarasada Albayaan ee Johannesburg waxay ka mid ahayd madaaristii ka qayb galay tartankaas, walibana wacdaro ka muujiyay, Zaynab Bashiir ayaa ku guulaysatay Jus Camma oo kaalintii koowaad gashay, qaybtaas oo arday badan ay ku tartamayeen, Alxamdulillaah.
Jusaska 30ka iyo 15ka natiijadooda ayaa ah mid dib laga soo sheegi doono, kuwa ku guulaystana waxay tartamaan bisha June 16keeda.
Warbaahinta Albayaan | Johannesburg










