Saturday, September 5, 2026
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos
Al Bayaan
No Result
View All Result
  • Login
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
No Result
View All Result
Al Bayaan
No Result
View All Result

SEMINAAR KU SAABSAN GUURKA OO LOO QABTAY BULSHADA PRETORIA GAADH AHAAN DHALINTA

majlisalbayaan by majlisalbayaan
September 11, 2018
in Madaaris Activities, Masaajid, Social Affairs, Somali
0
SALAADDII CIIDDA OO MAANTA SOOMAALIDU TUKADEEN WADDANKA KOONFUR AFRIKA

Siminaarkaan lagu bixinayay casharo la xariira guurka oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen maamulka Masjidka Imaamu Bukhaari ee hoos taga hey’ada Culimada Soomaaliyeed ee Al-Bayaan ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Markazka Imaamu Bukhaari oo ku taala magaalada Pretoria ee caasimada Dalka Koonfur Africa.

Waxaa ka qeybgalay kudhawaad 80 dhalinyaro ah oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Caasimadda ah ee Pretoria kuwaa oo ka faa’iideystay Casharo badan oo la xariiray,Raaxada Guurka,sida loo xaliyo haduu yimaada qilaafka qoysaska,wadada guurkaada looga dhigo mid guuleysta,Haasaawaha wanaagsan ee lamaanaha isku diyaarinaya in ay noqdaan qoys ku guuleysta nolosha macaan ee guurka iyo arimo badan.

Dhamaan casharadaan ayaa dhalinyarada la siiyay ayada oo loo marayo hanaanka wanaagsan ee diinteena dajisay lanaraacayo sunnadii suubanaheena Muxamed Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaate, waxaana bixinayay casharadaan Sheikh Shariif Markaawi, Sheikh Cabdirisaaq Mowlana,iyo sido kale Sheikh Cabdullaahi Abuu Xamsa.

Intaasi kadib ayaa dhaliyarada waxaa loo qeybiyay saddax qeybood waxaana la siiyay ilaa saddax qodob in ay keenaan waxa sabayay isla markaana xalkooda ay raadiyaan waxaana qodobadaasi ka mid ahaa.

1)Maxaa keenay burburka dag daga ah ee ku yimaada qoysaska Soomaalida ee ku nool dalka Koonfur Afrika,gaar ahaan magaalada Pretoria?

2)waa Maxay caqabadaha haysta Dhalinyarada Soomaalida ee ku nool magaalada Pretoria?

3)Maxay ragga Soomaalida ee ku nool dalka Koonfur Afrika kusoo jiiteen dumarka ka yimaada dalalka yurub iyo America ee usoo guur doonta dalkaan Koonfur Africa, maxaay kaga duwanyihiin ragga kale ee Soomaalida ee ku nool dalalka kale?

Dhalinyarada ayaa qaatay waqti dheer oo koox walba ay kusoo falanqeynsay qodobka loo diray in ay soo baraan kadibna xalkiisa keenaan ayaa ugu dambeyn koox walba waxaa ay keentay shan qodob oo ay u aragtay in ay tahay caqabadaha jira iyo xalkii looga bixi lahaa.

1) Caqabadaha heysta Dhalinyarada.

1)Isku xernaandho la’aan.

2)Deganaansho la’aan”Buufis”

3)Waxbarasho La’aan .

4)Majiraan ururo dhalinyaro oo wacyi galiya dhalinyarada.

5)Daroogada nooc yadeeda kala duwan gaar ahaan dhalinyarada jaadka cuna, shaqo la’aan.

2)Xalka arimahaan dhalinyarada waxaa ay u arkeen.

1)In dhalinyarada lagu wacyigaliyo waxbarashada.

2)In dhalinyarada aanan shaqeynin ee beerta galay shaqo abuur loo sameeyo.

3)In dhalinyarada loogu yeero meelaha masaajiddada ah.

4)In dhalinyarada ay guursadaan gaar ahaan meesha ay joogaan gabadhaha soomaalida ah ee la joogo si ay u noqdaan dad dagay oo deegaan ah.

5)In simminaar joogto ah loo sameeyo dhalinyarada si loo baraarujiyo.

3)Gabdhaha ka yimaada dalalka Yurub iyo waqooyiga America maxay ku doortaan ragga South Africa Jooga.

1)Dhaqanka wanaagsan ee dhalinyarada Soomaalida ee jooga Koonfur Africa”Balwada ayaa ku yar”

2)Waxaa ay heystaan dhaqaale ay ku maareeyaan naftooda iyo gabadha imaaneysa.

3)in ay daacad u yihiiin guurka oo gabadha waxaa ay kusoo xushaan rabitaanka guurka.

4)Waa dhalinyaro adkeysi badan oo shaqo abuur ah.

5)dhanka sharciga dhalinyarada South Africa waxaa leeyihiin sharciyo fiican oo gabadha aysan ku dhibtooneynin in ay dacwo u furto si ay u qaado “Viso ugu xareyso” in ay ku shaqeeyeen dal fahmaya ama u dhow nolosha dalalka heer caalami ah ah sida wadamada yurub iyo waqyooyiga America.

Maxaa keena Burburka Qoysaska Soomaalida Koonfur Afrika.

1)Labada ruux ee is guursaneysa oo doonaya in ay dalal kale sii adaan sida wadamada Yurub Ama waqooyiga America”Guur ku meel gaar ah”

2)Isbadalka Dhaqaalaha ku yimaada Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika,Tusaale ahaan ninkii oo ganacsigiisa la boobo,ama dhac joogta ah la kulmay oo hoos dhac ganacsi sameeyay,

3)Labada ruux ee is guursaday oo aqoon ku filan isku laheyn”Dag dag bay ku kulmeen dag dagna waa ay isku guursadeen”

4)Dadka halkaan jooga waxaa ay u badan yihiin dhalinyaro is guursaday marka haddii uu khilaaf yimaado dadkii loo noqon lahaa ayaa meesha ka maqan “Waalidkii ayaa laga soo fogaaday”

5)Saameynta qurbaha ayaa qeyb ka ah burburka qoysaska.

Xalka Arimahaan dhalinyarada waxaa ay soo bandhigeen.

1)In loo noqdo diinta nala tala saarto Alle si looga baxo waxyaabahaan soo kala dhaxgalay qoysaska.

Dhalinyarada ayaa aad ugu farxay siminaarka noocaan ah ee cullimada maanta u qabteen waxaana ay sheegeen in ay aad ugu baahan yihiin in la badiyo kulamada noocaan oo kale ah si looga baxo caqabadaha heysta dhalinyarada.

By C/laahi Maxamuud Amiin.
C/laahi Qorshe.

Previous Post

SALAADDII CIIDDA OO MAANTA SOOMAALIDU TUKADEEN WADDANKA KOONFUR AFRIKA

Next Post

BOOB CULUS OO LAGU SAMEEYAY DUKAAMADA AJNABIGA OO KA BILOWDAY XAAFADDA SOWETO EE DALKA KOONFUR AFRIKA

Related Posts

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

June 5, 2022
SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

December 27, 2018

Sheekh Cabdirashid Sh.Cali Suufi oo maanta soo gaaray magaalada Johannesburg, Daawo Sawirada

December 15, 2018
SH ABDULKADIR AL-AHDAL OO MAANTA DIB UGU LAABTAY DALKA TANZANIA

SH CABDULQADIR AL-AHDAL OO DIB UGU LAABTAY TANZANIA Daawo Sawirada

October 29, 2018
Next Post
BOOB CULUS OO LAGU SAMEEYAY DUKAAMADA AJNABIGA OO KA BILOWDAY XAAFADDA SOWETO EE DALKA KOONFUR AFRIKA

BOOB CULUS OO LAGU SAMEEYAY DUKAAMADA AJNABIGA OO KA BILOWDAY XAAFADDA SOWETO EE DALKA KOONFUR AFRIKA

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

November 5, 2025

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
  • Home
  • Services
  • Shuyookh
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com