Published On: Wed, Aug 29th, 2018

BOOB CULUS OO LAGU SAMEEYAY DUKAAMADA AJNABIGA OO KA BILOWDAY XAAFADDA SOWETO EE DALKA KOONFUR AFRIKA

Share This
Tags

Saaka ayaa waxaa ka bilowday magaalada Soweto xaafada ka mid ah boob lagu qaaday dukaamo ay leeyihiin dadka ajaanibta ah ee ku ganacsada xaafadaha kala duwan ee magaalada taariikhiga ah ee Soweto, gaadh ahaan White City iyo kuwo kale.

Waxaa la boobay oo cagta la mariyay in ka badan 70 dukaan, halka in ka badan 800 oo dukaanna la soo raray, waxaa lagu dhaawacay illaa 7 Soomaali ah uu mid ka mid ah uu dhaawac u dhintay.

Warbaahinta Albayaan Johannesburg