FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG
Golaha Dacwada Albayaan ee dalka Koonfur Afrika ayaa magaalada Johannesburg ka daahfuray shir sanadeedkii 12aad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.
Munaasabadda furitaanka Mutamarka Jaaliyadda ee 2021 waxaa kasoo qeybgalay marti sharaf kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, Safiirka Soomaaliya ufadhiya Koonfur Afrika, Uqeybsanaha Arrimaha diinta ee Safaaradda Sacuudiga kuleedahay Koonfur Afrika, Gudoomiyaha Jimciyadda Culimada Guud ee Koonfur Afrika, Wakiil ka socday gudoomiyaha deegaanka ay Soomaalida ka dagan tahay Johannesburg, Ganacsato iyo Culimada Mutamarka ka qeybqaadaneysa oo ka kala yimid gudaha iyo dibadda Koonfur Afrika.
Mutamarkaan oo socon doona mudo 12 cisho ah ayaa ka qabsoomi doona lix Gobal oo ka mid gobalada Koonfur Afrika ay Soomaalida badankeedu dagan yihiin.
Haddaba ka faa’iideysi wanaagsan.
Mahad Sidow