Published On: Wed, Feb 2nd, 2022

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

Share This
Tags

Waa xafladdii ugu horeysay nooceedoo kale oo  lagu qabtay hoolka markaska cusub ee Albayaan Johannesburg 30 January 2022 oo lagu maamuusayay 52 arday oo Soomaali ah oo ku baastay imtixaanki ugu danbeeyay ee Dugsiga sare.

Xafladda waxaa soo qaban-qaabiyay Albayaan Yiuth Group (AYG) ama Ururka Dhalinyarada Albayaan iyo Mayfair Sisters of Halaqaat oo kaashanaya Majliska Dacwada Albayaan. Xafladdan waa middii ugu horeysay oo nooceedoo kale oo loo qabto ardayda.

Ardayda sannadkan 2021 ee Soomaaliyeed oo waddanka Koonfur Afrika ku baastay imtixaankii ugu danbaysta waa illaa 100 arday, kuwaasoo dhibcaha ay keeneen aad uu wanaagsanayeen, intooda badanna ay ku baaseen Bachelor oo ah inay Jaamacadaha horey ka geli karaan.

Ardaydan waxay ka kala yimaaddeen magaalooyinka Rastenburg, Pretoria iyo Johannesburg.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Amiirka Majliska Albayaan Sh Xasaan Guure, umanada golaha, guddiga fulinta, iyo maamulada kala duwan ee golaha, waxaa kale oo ka soo qayb-galay Safaaradda Soomaaliya, waaliddiinti ardayda, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Waxaan leenahay hambalyo horay u socda guulaysta, Ilaahayna aakhiro iyo adduunba ha idin xafido.

Xafiiska Warbaahinta ee Albayaan