Mecca:-Dowlada Sucuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan 717 xaaji ay ku dhinteen in ka badan 863 uu dhaawacu gaarayo, suuragalna ay tahay inuu ka sii bato, wuxuuna dhibkaani dhacay ka dib salaaddii duhur ee Mecca in ay xujaydu isku buurteen Mina.
Ciidanka Gurmadka Sucuudiga ee ka howlgala Mecca iyo xaramka ayaa sameeyey dadaal aad u dheeri ah, waxa ayna badbaadiyeen xujey aad u faro badan oo halkaa waxyeello ku soo gaadhi lahaa illaah baa mahad leh.
Inta badan ayaa waxaa sababa shilalka noocaan oo kale ah qaar ka mid ah Xujeyda oo ka dhaga adayga tacliimaadka ay siinayaan culumada iyo ciidanka Gurmadka ee mar walba u taagan caawinta Xujeyda.
Dadka ku dhaawacmay isbuurashadan ayaa loo kala qaaday isbitaalo kuyaal Mina. Waxana ay ku soo beegantay shilkan iyadoo xujayda ay ku gudajireen shaydaan tuurka. Hase yeeshe goobta uu shilkan ka dhacay ayaa ahayd waddo u dhexeysa teendhooyin ay degenaayeen xujayda.
“Wadada uu shilkan ka dhacay ayaa ah wadada 204aad. Balse isbuurashada kama dhicin goobta shaydaan tuurka.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay xukuumada Sacudi Carabiya.
Madaxa guddiga dhexe ee Xajka Amiir Khaled al-Faisal, ayaa ku eedeeyay is buurashada qaar kamid ah xujay u dhashay wadamada Afrika sida uu shaaciyay taleefishinka Alcarabiya. Illaa iyo afar kun oo shaqaale ah iyo 220 gaadiidka Ambalaaska loo yaqaan ayaa ka qeybgalay gurmad loo fidinayay dadka wax ku noqday isbuurashada.
Waxaan alle uga baryeynaa dhamaan Xujeydii ku dhimatay isbuurashada ka dhacday duhurkii maanta Mina in alle janatul fardoos geeyo kuwa ku dhaawacmayna uu siiyo caafimaad degdeg ah Aaamiin.






