Saturday, September 5, 2026
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos
Al Bayaan
No Result
View All Result
  • Login
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
No Result
View All Result
Al Bayaan
No Result
View All Result

KOONFUR AFRIKA: Aqoon-kororsi loo Qabtay Macallimiinta Qur’aanka iyo Ducaada (SAWIRO)

majlisalbayaan by majlisalbayaan
December 8, 2016
in Articles, Madaaris Activities, Social Affairs, Somali, Videos
0
KOONFUR AFRIKA: Aqoon-kororsi loo Qabtay Macallimiinta Qur’aanka iyo Ducaada (SAWIRO)

Isniin, Oktoobar 19, 2015 (HOL) — Aqoon-is-weydaarsi ay soo qaban-qaabiyeen golaha Al-bayaan ee culumada Soomaaliyeed ee waddanka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka qeyb-qaadanayay khubaro xagga culuunta islaamka ku takhasusay oo wax ka dhiga Jaamacadaha Umul-Quraa iyo Daa’if ee baqortooyada Saudi Arabia oo kala ah, Dr. Maxamed C/llaahi Alswat iyo Dr. C/lla ahi Mansuur Al-cuteybi oo u dhashay dalka Sacuudiga, waxaana ku wehliyay Dr. Yuusuf Maxamed Xuseen oo khabiir Soomaaliyeed oo ku takhasusay diinta Islaamka kuna nool magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.

Kulankan aqoon-kororsiga ah oo noqonaya kii labaad ee sanadkaan la qabto ayaa waxaa ka faa’iideystay ku dhawaad 80-ruux oo isugu jiray, imaamyo, khadiibyo, macallimiinta iyo dadka diinta jecel oo isugu jiray Somali iyo ajaanib kale; ayaa waxaa lagu bartay illaa saddex qodob oo muhiim u ah qofka u shaqeynaya diinta Islaamka, kuwaasoo ay kala jeediyeen saddex sheikh, waxaana qodobbadaas ka mid ahaa; xirfadaha ardayga qur’aanka iyo waxbarashada lagu fahamsiin karo dadka, kaalinta iimaanka ee daacinimada iyo danta guud oo la illaaliyo, waxay diinta ka qabto.

Sheekh C/llaahi Sheekh Axmed (Abu Xamza) oo ahaa xiriiriyaha aqoon-kororsiga oo aan ka wareysannay qaabka uu u qabsoomay siminnaarka ayaa sheegay in tiradii loogu talo-galay ay kasoo qayb-galaan, kuwaasoo ahaa 50-qof ayna kor u dhaaftay 75-qof, iyadoo ay si weyn uga faa’iideysteen intii kasoo qayb-gashay; kuwaasoo jecleystay in marar badan loo qabto aqoon is-weydaarsiyada noocan oo kale ah.

Dhanka kale, Sheekh Abuu Xamza ayaa intaas kaddib kula dar-daarmay dadka Islaamka ah ee ku nool dalalka ay gaaladu ka taliyaan inay diinta Islaamka weyneynteeda iyo fidinteeda u is-taagaan, kana qayb-qaataan goobaha lagu kala faa’iideysanayo aqoonta Diinta Islaamka, wuxuuna intaa ku daray in aqoon is-weydaaarsiyada noocan ah ay kawadi doonaan dalkan Koonfur Afrika iyo dalalka ku dhow-dhow, ujeeddaduna tahay in la helo dadku inay fahmaan inay mas’uul ka yihiin in Diinta Islaamka la fidiyo.

Ugu dambeyn, aqoon-kororsigan oo socday maalin ayaa markii lasoo gaba-gabeeyo ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin intii ka qayb-gashay, kuwaas oo aad ugu faraxsanaa ballan-qaadayna inay sii wadi doonaan faafinta diinta intii ka shaqeynaysay howlaha diinta, inta diinta jecelna ay billaabi doonaan inay diinta Islaamka fidiyaan.

20151019635808440122008007Kulan_Diimeed_Koonfur_Afrika (11) 20151019635808439803371563Kulan_Diimeed_Koonfur_Afrika (10) 20151019635808439377352571Kulan_Diimeed_Koonfur_Afrika (12) 20151019635808439116393795Kulan_Diimeed_Koonfur_Afrika (9) 20151019635808438905006679Kulan_Diimeed_Koonfur_Afrika (4) 20151019635808438682124253Kulan_Diimeed_Koonfur_Afrika (2) 20151019635808438500434434Kulan_Diimeed_Koonfur_Afrika (8) 20151019635808438316120604Kulan_Diimeed_Koonfur_Afrika (5) 20151019635808438093266022Kulan_Diimeed_Koonfur_Afrika (3)

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail: sidow@hotmail.co.uk
Johannesburg, Koonfur Afrika
– See more at: http://hiiraan.com/news/2015/Oct/wararka_maanta19-93459.htm#sthash.TDzettFN.dpuf

Previous Post

KULANKA SHIBLI Sh Maxamuud Shibli XALQO 4AAD 22 08 2013

Next Post

DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED OO DHAN WAXAA QAMDARAAS SHIIDAAL BAARIS LOO SIIYAY NORWAY.

Related Posts

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

June 5, 2022
SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

December 27, 2018

Sheekh Cabdirashid Sh.Cali Suufi oo maanta soo gaaray magaalada Johannesburg, Daawo Sawirada

December 15, 2018
SH ABDULKADIR AL-AHDAL OO MAANTA DIB UGU LAABTAY DALKA TANZANIA

SH CABDULQADIR AL-AHDAL OO DIB UGU LAABTAY TANZANIA Daawo Sawirada

October 29, 2018
Next Post
DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED OO DHAN WAXAA QAMDARAAS SHIIDAAL BAARIS LOO SIIYAY NORWAY.

DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED OO DHAN WAXAA QAMDARAAS SHIIDAAL BAARIS LOO SIIYAY NORWAY.

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

November 5, 2025

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
  • Home
  • Services
  • Shuyookh
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com