Isniin, Oktoobar 19, 2015 (HOL) — Aqoon-is-weydaarsi ay soo qaban-qaabiyeen golaha Al-bayaan ee culumada Soomaaliyeed ee waddanka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka qeyb-qaadanayay khubaro xagga culuunta islaamka ku takhasusay oo wax ka dhiga Jaamacadaha Umul-Quraa iyo Daa’if ee baqortooyada Saudi Arabia oo kala ah, Dr. Maxamed C/llaahi Alswat iyo Dr. C/lla ahi Mansuur Al-cuteybi oo u dhashay dalka Sacuudiga, waxaana ku wehliyay Dr. Yuusuf Maxamed Xuseen oo khabiir Soomaaliyeed oo ku takhasusay diinta Islaamka kuna nool magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.
Kulankan aqoon-kororsiga ah oo noqonaya kii labaad ee sanadkaan la qabto ayaa waxaa ka faa’iideystay ku dhawaad 80-ruux oo isugu jiray, imaamyo, khadiibyo, macallimiinta iyo dadka diinta jecel oo isugu jiray Somali iyo ajaanib kale; ayaa waxaa lagu bartay illaa saddex qodob oo muhiim u ah qofka u shaqeynaya diinta Islaamka, kuwaasoo ay kala jeediyeen saddex sheikh, waxaana qodobbadaas ka mid ahaa; xirfadaha ardayga qur’aanka iyo waxbarashada lagu fahamsiin karo dadka, kaalinta iimaanka ee daacinimada iyo danta guud oo la illaaliyo, waxay diinta ka qabto.
Sheekh C/llaahi Sheekh Axmed (Abu Xamza) oo ahaa xiriiriyaha aqoon-kororsiga oo aan ka wareysannay qaabka uu u qabsoomay siminnaarka ayaa sheegay in tiradii loogu talo-galay ay kasoo qayb-galaan, kuwaasoo ahaa 50-qof ayna kor u dhaaftay 75-qof, iyadoo ay si weyn uga faa’iideysteen intii kasoo qayb-gashay; kuwaasoo jecleystay in marar badan loo qabto aqoon is-weydaarsiyada noocan oo kale ah.
Dhanka kale, Sheekh Abuu Xamza ayaa intaas kaddib kula dar-daarmay dadka Islaamka ah ee ku nool dalalka ay gaaladu ka taliyaan inay diinta Islaamka weyneynteeda iyo fidinteeda u is-taagaan, kana qayb-qaataan goobaha lagu kala faa’iideysanayo aqoonta Diinta Islaamka, wuxuuna intaa ku daray in aqoon is-weydaaarsiyada noocan ah ay kawadi doonaan dalkan Koonfur Afrika iyo dalalka ku dhow-dhow, ujeeddaduna tahay in la helo dadku inay fahmaan inay mas’uul ka yihiin in Diinta Islaamka la fidiyo.
Ugu dambeyn, aqoon-kororsigan oo socday maalin ayaa markii lasoo gaba-gabeeyo ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin intii ka qayb-gashay, kuwaas oo aad ugu faraxsanaa ballan-qaadayna inay sii wadi doonaan faafinta diinta intii ka shaqeynaysay howlaha diinta, inta diinta jecelna ay billaabi doonaan inay diinta Islaamka fidiyaan.
Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail: sidow@hotmail.co.uk
Johannesburg, Koonfur Afrika
– See more at: http://hiiraan.com/news/2015/Oct/wararka_maanta19-93459.htm#sthash.TDzettFN.dpuf
















