Saturday, September 5, 2026
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos
Al Bayaan
No Result
View All Result
  • Login
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
No Result
View All Result
Al Bayaan
No Result
View All Result

Su’aal: Maxa Keena Cago-barar?

majlisalbayaan by majlisalbayaan
December 8, 2016
in Articles, Somali
0
Xinjirowga Xididdada Lugaha / Deep Vein Thrombosis (DVT)

Caga bararka waa arrin dad badan ay ka sheegtaan, qasab ma ahan in ay xanuun ama cillad caafimaad ay la xiriirto.

Qofka hadduu in muddo ah taagnaado ama uu fadhiyo ama socod dheer uu soo galo way bararaan.
Hadduu qofka lugaha uu cadaadis saaro sida in kabo ku dhaggan uu qaato iyadane cadaadis way keentaa.

Xilliga uurka in anqawga iyo cagaha ay bararaan iyadane waa arrin caadi ah, inkastoo xanuun uurka la socdo sida dhiigkarka uu cagaha bararin karo.

Xanuunnada keeno caga bararka waxaa ugu horreeyo:
1- Dhaawac hadduu gaaro anqawga ama kalagoyska cagta is inay murgacato ama laabanto oo kale.
2- Haddii cillad xagga scodoka dhiigga uu jiro sida xanuunka xinjirowga arooriyaasha ee loo yaqaanno “DVT” oo halkaan aad ka akhrisan kartid:http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1460.0.html
3- Haddii cillad ka timaado xagga qanjirrada dheecaanka lugaha ka qaado sida in ay bararaan oo kale taasoo keenayso in dheecaanka lugaha ku aruuro, tan ma ahan mid aad u badan, bararka ay keentane ma ahan mid diismaayo ama farta ay gali karto.
4- Haddii ay jirto cillad xagga wadnaha taasoo keenayso in dhiigga uu cagaha ku haro oo wadnaha awood lahayn inuu ku saaro, sida wadnaha oo bararan iyo haddii howlgab wadno ay jirto.
5- Dhiig karka markuu kacsan yahay oo muddo sidaa ahaado wuu keenaa caga barar iyo neeftuur ama xiiq markuu qofka howl qabto ama jaranjaro uu fuulo waana calaamad cadaadis wadne.
6- Haddii cillad xagga beerka ma kilyaha ka jirto iyadane cagaha barar way galiyaan inkastoo bararka beerka la socdo uu caloosha ka billaaban karo, midka kilyaha la socdane uu wajiga ma indhaha hareerahooda oo ka billaaban karo.
7- Daawooyinka qaar way keenaan cago barar sida daawooyinka hormoonnada, kuwa ka hortagga uurka, daawooyinka dhiig karka qaar ka mid ah, daawooyinka “steroids-ka”, daawooyinka diiqada iyo welwelka loo qaato qaar ka mid ah iyo daawooyinka sonkorowga loo qaato qaar ka mid ah iyagane.
8- Miisaanka ama cayilka wuu ka qeyb qaataa cago-bararka taasoo ka dhalan karta cadaadis saarma kala-goyska.

Haddii aad cago barar isku aragtid aad is leedahay xanuun ayuu la xiriiri karaa ka mid ah kuwa aan kor ku soo xusnay waxaa habboon in aad la xiriirtid takthar si laguu baaro.

Cago-bararka la xiriiro xanuunka wadnaha, kilyaha, beerka, dhiig-karka, cayilka iyo daawooyinka waxaa lagu arkaa labada lug.

Qasab ma ahan in cago-bararka uu la socdo xanuun si loo dhaho cillad caafimaad ayaa keentay, cago-bararka badanaa xanuun ma wato.

Bararka markuu fudud yahay ama billow yahay, waxaa lagula taliyaa qofka inuu lugaha uu meel sare saaro si uu bararka uga dago, laakiin haddii joogto ay noqoto ama ay soo laalaabato, la xiriir takhtar.

Haddii dhiig-kar, sonkor ama kolestarool aad qabtid fadlan daawadaada joogtey, lana soco xaaladaada caafimaad sida in aad cadaadiska dhiigga ama sonkorta aad joogto iskaga baartid oo kale.

Talo
1- Istaagga ama fadhiga badan iska ilaali
2- Miisaankaaga yareey
3- Jimicsi joogto ah sameey
4- Daawada xanuunkaaga si joogto ah u qaado.
5- La xiriir dhakhtar haddii aad isku aragtid cago-barar leh calaamado kale sida neefsasahda oo ku dhibayso ama qufac ama tabardarri ama kaadidaada oo yaraato ama indhahaaga oo midab huruud yeesho ama daqnasho lugaha ah.
6- Ha xiran kabo kugu dhaggan.


Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay ama su’aalo kale aad qabtid waad na soo waydiin kartaa.
http://somalidoc.com

Previous Post

Xinjirowga Xididdada Lugaha / Deep Vein Thrombosis (DVT)

Next Post

SAUDI ARABIA: GRAND MUFTI TELLS YOUTH NOT TO BE MISLED

Related Posts

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

June 5, 2022
SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

December 27, 2018

Sheekh Cabdirashid Sh.Cali Suufi oo maanta soo gaaray magaalada Johannesburg, Daawo Sawirada

December 15, 2018
SH ABDULKADIR AL-AHDAL OO MAANTA DIB UGU LAABTAY DALKA TANZANIA

SH CABDULQADIR AL-AHDAL OO DIB UGU LAABTAY TANZANIA Daawo Sawirada

October 29, 2018
Next Post
SAUDI ARABIA: GRAND MUFTI TELLS YOUTH NOT TO BE MISLED

SAUDI ARABIA: GRAND MUFTI TELLS YOUTH NOT TO BE MISLED

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

November 5, 2025

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
  • Home
  • Services
  • Shuyookh
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com