Saturday, September 5, 2026
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos
Al Bayaan
No Result
View All Result
  • Login
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
No Result
View All Result
Al Bayaan
No Result
View All Result

Xinjirowga Xididdada Lugaha / Deep Vein Thrombosis (DVT)

majlisalbayaan by majlisalbayaan
December 8, 2016
in Articles, Social Affairs, Somali
0
Xinjirowga Xididdada Lugaha / Deep Vein Thrombosis (DVT)

Waa maxay DVT?
DVT waa cudur laga soo gaabiyaya “Deep Vein Thrombosis”, waa xinjir dhiig oo ku samaysanta xididada dhiigga dhexdiisa. Waxay had iyo jeer ku samaysantaa lugaha ama gacmaha, sabatoo ah qulqulka dhiigga maraya oo gaabinaya.
Guntankaa dhiiggu wuxuu joojin karaa socodka dhiigga barkii ama dhammaantiisba. Waxay kaloo xinjirta ugudbi kartaa ilaa sanbabada oo ay markaa keento khatar culus.

Yaa khatar ugu sugan
Haddii aad mid ka mid ah leedahay astaamahan, khatar baad u tahay xanuunka DVT:
• Wadno xanuun
• Uur aad leedahay ama aad Umul aad tahay
• Aad shilis tahay xad-dhaaf
• Dhiig la’dahay
• Beer xanuun leedahay
• Muddo badan aad sariir yaal ahayd oo aadan socsocon
• Dhaawac shil kaasoo gaaray ama aad jajabtay
• Shil gashay yareeyey dhaqdhaqaaqa lugahaaga
Dawooyinka qaarkood ama is dawaynta qaarkeed waxay ku galin karaan khatar.

Calaamadaha DVT
Dhakhtarkaaga si dhaqso ah ula hadal ama u tag goobta caafimaadka degdegga ah ee kugu dhow haddi:
• Meelo jilicsan oo casaan ah oo diis-diismaya oo ku yaalla lugahaaga, gacmahaaga amase laabtaada aad aragtid.
• Suuxsanaan ama kabuubyo lugaha, gacmaha amase laabta.
• Xanuun xad-dhaaf ah oo lugaha, gamacaha ama laabta ah.
• Xummad ama gariir.

Tag goobta caafimaadka degdegga ah ee kuugu dhow haddii aad leedahay:
• Neefta oo ku qabata, neeftoo kugu adag ama xanuun laabta ah
Ha duugin (ha riix-riixin) lug ama gacan ku xanuuntay.

Sidee looga hortagaa DVT
• Dhakhtarkaagu waxaa laga yaabaa inuu kuu geliyo sharabaaddo ku caawiya. Sharabadaadasi waxay kaa caawiyaan in dhiiggaagu wareego oo aanu yeelan xinjiro samaysma.
Iska saar sharabaadada maalin kasta 10-30 daqiiqo. Hubi in lugahaagu ay leeyihiin meelo casaaday, amase nabarro.
Waydii adeegahaaga ama kalkaalisada caafimaad sida loo xiro sharabaadada, si aanada isugu giijinin.
Kareem baa laga yaabaa inaad marsatid haddii luguhu ku qallalaan.
Waa inaad haystaa ugu yaraan laba xabo oo sharabaada ah, si markaad mid xiran tahay ka kale u nadiifsato oo uu diyaar kuugu ahaado.
• Soco oo lugee maalin kasta si lugahaaga iyo gacmuhu u dhaqdhaqaaqaan oo dhiiggu si fiican ugu socdo jirkaaga.
 Dhakhtarkaaga ama kalkaaliyahaya waydii jimicsiga kugu habboon.
• Iska ilaali inaad fadhido ama aad u jiifto dhinac kaliya waqti dheer. Ha ku fariisan lugahaaga oo iswaydaarsan, amase jilbaha oo aad culuys badan
saarto. Haddii lugahaagu ay u muuqdaan qaar bararsan, sare u qaad markaad fadhido.
• Iska ilaali inaad sigaar cabto, gaar ahaan haddii aad qaadanayso kiniinka ilmo-kala dheeraysiinta.
• Cab 8 galaas oo cabitaan ah maalintii, haddii aan cabitaanka badan lagaa joojinin.

Daawaynta
DVT waxa sida caadiga ah lagu daweeyaa dawo dhiigga jilcisa. Dawadaas waxaa laguu siin karaa:
• Xididka oo lagaa siiyo (sayloon) IV (intravenous) – Waxaad joogi doontaa isbitaalka inta ay dawadu kuu socoto.
• Caloosha oo lagaa mudo – Haddii aad u baahan tahay muditaan, waxaa lagu bari doonaa sida loo sameeyo.
• Kiniini – Kiniinkaaga u qaado sida dhakhtarku kuugu qoray. La hadal dhakhatarkaaga haddii uu kaa yimaaddo dhiig aan caadi ahayn, amase kaadidaada ama saxaradu dhiig yeeshaan ama madoobaadaan, amase haddaad bararto.
Waxaad u baahnaan kartaa baadhitaan dhiig lagaaga qaado shaybaarka amase dhakhtarka xafiiskiisa inta dawadu kuu socoto. Waa inaad raacdaa jadwalka dhakhtarkaaga.

 

Xigasho: somalidoc.com

Previous Post

Gabay Dhab- kahadal iyo Abwaan Maxamuud Maxamed Adar (Dhageyso)

Next Post

Su’aal: Maxa Keena Cago-barar?

Related Posts

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

June 5, 2022
SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

December 27, 2018

Sheekh Cabdirashid Sh.Cali Suufi oo maanta soo gaaray magaalada Johannesburg, Daawo Sawirada

December 15, 2018
SH ABDULKADIR AL-AHDAL OO MAANTA DIB UGU LAABTAY DALKA TANZANIA

SH CABDULQADIR AL-AHDAL OO DIB UGU LAABTAY TANZANIA Daawo Sawirada

October 29, 2018
Next Post
Xinjirowga Xididdada Lugaha / Deep Vein Thrombosis (DVT)

Su'aal: Maxa Keena Cago-barar?

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

November 5, 2025

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
  • Home
  • Services
  • Shuyookh
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com