Galabta gelinkii danbe ee dalka Koonfur Afrika gaadh ahaan magalada Nelispruit ee caasimada gobolka Mpumalanga ayaa waxa ka dhacay boob xooggan sida ay xaqiijinayaan qaar ka mid ah ganacsatada gobolkaas ku dhaqan.
Tuulada lagu magacaabo Penaar ee duleedka caasimadda gobolka Mpumalanga ayuu boobku ka socdaa halkaasi oo ay ku hanti beeleen ganacsato soomaali ah oo danyar ahaa kuwaas oo dukaano kala duduwan ku lahaa.
Wararka waxay sheegayaan in inta badan dukaamadda magaaladaas hadda la boobayo, halka qaar kale la rarayo, sidoo kale waxa la dhaawacay muwaadin soomaaliyeed oo la yiraahdo C/raxiim xuseen.









