Johannesburg:– Waxaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Johannesburg Dawro ama siminaar lagu baranayay Hogaaminta, oo socday 26-27/11/ 2016 dawrada waxaa loo qabtay imaamyada, ducaadda, macalimiinta iyo hawl wadeenadda dacwada maraakista hoostagta Albayaan ee dalka South Africa. Iyada oo u jeedadadu tahay in sare loo qaado wacyiga hogaamineed iyo kartida maamul ee ku aaddan wax qabadka shaqo ee hor taalla maraakista Golaha.
duruusta labadi bari socotay ayaa waxaa soo jeediyay aqoonyahanno Somaaliyeed oo haysta shahaadooyin sare isla markaanna aqoon wanaagsan ulahaa maadooyinka ay dhigayeen.
Golaha Fulinta Albayaan oo soo qabanqaabiyay dawradan ayaa gunaanadki tababarka goobta ka cadeeyay in ay sii socon doonaan tababarrada noocan oo kala ah ee la siinayo kawaadirta gacanta ku haysa shaqo maalmeedka golaha Albayaan.
Al-Bayaan South Africa
Faraca Johannesburg







