Saturday, September 5, 2026
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos
Al Bayaan
No Result
View All Result
  • Login
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
No Result
View All Result
Al Bayaan
No Result
View All Result

Waraysi gaar ah oo ku saabsan Jamaacada Assaadicuuna Bil xaq oo uu Sh Axmed Cabdisamed siiyey wargeyska Ilays (Qeybta 1aad)

majlisalbayaan by majlisalbayaan
April 20, 2017
in Articles, Masaajid, Social Affairs, Somali
0
Towxiidka iyo Khatarta Shirkiga Sh.Cabdinaasir Xaaji Axmed.[Daawo Video-ga]

Boosaaso:-Waa waraysi gaar ah oo ku saabsan Jamaacada Assaadicuuna Bil xaq oo uu Sheekh Axmed Cabdisamed siiyey wargeyska Ilays (Qeybta 1aad)waxaan uu Sheekhu uga waramayaa xiliga ay kooxdaan bilaabtay iyo weliba halka laga keenay fikiriga ku dhisan in gaalnimo lagu xukumo Shucuubta Islaamka ah ee ku nool dalalka Islaamka.

 

axmed cabdisamed

 

 

 

 

 

Waraysigu waxaa uu u dhacay sida tan:-

1. Goorma ayay bilowdeen xarakooyinka Takfiiriga? Sidee u bilowdeen? Yaa bilaabay? Halkee ka bilowdeen?, maxaase sababay inay fikradaan qaataan?.

Jawaab: Asxaabtii Nabigeena صلى الله عليه وسلم oo nool bay bilowdeen, waxaana loo yaqaaney Khawaarij, Rasuulkuna waa sii sheegay inay soo baxayaan iyo sidii loola macaamili lahaaba.

Kooxaha Takfiirka cusub waxay ka bilowdeen Masar lixdamaadkii qarnigii tagey, ka dib markii Jamaal C/naasir cadaadis xun kula dhaqmay xubnihii jamaacadii Al-ikhwaan Almuslimuun oo uu dil iyo xabsi isugu daray. Nin la oran jirey Shukri Musdafa oo xabsiga ku jirey ayaa keenay fikrada, wuxuuna yiri: dadka diinta darteed sidaas noogu cadaadinaya muslimiin maaha, askarta iyo shaqaalaha ku caawinayana muslimiin maaha, dadweynaha aamusan ee aan ka hortagayna muslimiin maaha.

Ka dib markii la soo daayeyna wuxuu guda galay dhismaha urur ku dhisan fikradaas gaalaysiinta ah, isaga ayaan loo doortay amiirka jamaacada oo la magacbaxday Jamaacat Almuslimiin, dadkuna u baxsheen Alhijra wa Altakfiir oo looga jeedo gaalaysiinta iyo ka dhexbixida bulshada. Ka dibna fikradu waxay ku faaftay caalam Al-islaami oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

2. Goormay ugu horrayn fikrada takfiirku soo gaartay dalka Soomaaliya, yaase keenay?

Jawaab: toddobaatanaadkii qarnigii tagey ayay dalkeena timid, waxaana dalka Masar ka keenay rag ka mid ah madaxdii Jamaacadii Al-Ahli oo xilligaas dacwada dalka hormuud ka ahayd.

3. Kooxdan cusub ee Al-saadicuun iyo kooxihii Takfiirkii hore u jiray Maxay ku kala duwan yihiin ?

Jawaab: Horta ragga hormuudka ka ah jamaacadan Al-saadicuun faraceeda Soomaaliya waxay ka mid ahaayeen raggii toddobaatemeeyihii ku qancay fikrada Takfiirka ee aasaasay jamaacada fikradaan ku dhisan, wayna qarsoonayd ee maaha takfiir cusub.

Jamaacada Al-saadicuun iyo Jamacaada Takfiirka la bareertay xilli hore ayay kala bayreen oo midna waxay qaadatay manhaj dacwadeed oo la jahraya (ku dheeraysanaya) gaalaysiinta bulshada, isla markaasna muujinaya shacaa’irta islaamka (calaamdaha lugu garto), sida: la bixida garka, xirashada xijaabka dumarka, in diinta si bareer ah loo sheego iwm, halka ragga hadda Al-saadicuun la baxay xilligaas raaceen manhaj sheegaya in aan la muujin waxa laga aaminsan yahay bulshada, dacwada aan lala jahrin, isla markaasna aan la muujin calaamadaha diinta ee ay garka iyo xijaabku ka mid yihiin.

Tan kale inkastoo ay ka midaysan yihiin gaalaysiinta madaxda iyo duuduubka bulshada, haddana waa hubaal inay ku kala duwan yihiin masalooyin fahamka diinta ah, sida: cunista hilibka xoolaha dadweynuhu gawracaan, la tukashada bulshada qaarkeed, dhexgalka bulshada iwm.

4.Caqiidadooda maxaa saldhig u ah, halkeese ka shidaal qaataan?

Jawaab: caqiidadooda waxaa saldhig u ah Qur’aanka iyo xadiiska ee mushkiladu waa sida qalloocan ee ay u fahmeen; waayo khawaarijtii soo baxday asxaabta nabiga oo nool waxay daliishanayeen Qur’aanka laakiin fahamkiisa ayaa ka qaldanaa oo raggii Rasuulku iyaga oo nool jannada ugu bishaareeyey ayay gaalaysiiyeen oo dhiiggooda bannaysteen ilaa ay markii dambe dileen Sayid Cali oo ahaa khaliifkii muslimiinta.

Waxay ka shidaalqaadanayaan hoggaanka jamaacada oo saldhiggeedu Masar yahay sida aad ku aragteen bayaanadooda, horayna fikradaan looga soo minguuriyey toddobaatanaadkii qarnigii ina dhaafay, waxaana muuqata inay muddada intaas le’eg iyaga meel ugu dabranaayeen.

5.Haddii aad daawatay Muuqaaladii iyo barnaamijyaddii ay ku faafiyeen baraha bulshada, Maxaa kaaga baxay?

Jawaab: Raggii la noolaaday bilowgii fikradaan waxay ii sheegeen in aan wax cusub soo kordhin; waayo raggu waa raggii, afkaartuna waa isla middii ay xilligaas ku baaqayeen oo ay meel marin waayeen caatanimadeeda darteed. Tan kale xilliga fikradaan dalka la keenay ee ay socon weyday waxay ahayd xilli jahligu aad dadkeena ugu badnaa, wacyiga diimeedna hooseeyey, sidaas oo ay tahay waa hirgali waydey; sidaa darteed maanta oo dadkeenu diinta aad u barteen, wacyiguna sarreeyo, xogtana la wada hayo cidna ku kadsoomi mayso fikrad baali ah oo korka laga dhalaaliyey.

Waxaa kale oo fikradaan suuq tiraya dadkeena oo la noolaaday afkaar gaalaysiin ah oo middaan ka qayaxan ama ka xoog iyo xoolo badan, isla markaasna qoriga caaraddiisa lugu meel marinayey, dadkuna waxay fahmayaan aakhirka meesha ay ku dhamaanayso gaalaysiinta bulshadu oo kuwii hortood la jahray ayaa laga soo bartay.

Waxayaabaha yaraynaya saamaynta jamaacadaan waxaa ka mid ah ragga ku baaqaya oo aan lahayn takhasus diimeed, horayna aan loogu aqoon dhaqan iyo muuqaal culimanimo.

Sources: Halgan.net

Previous Post

Buug cusub oo lagu soo bandhigay Cape Town

Next Post

Waraysi gaar ah oo ku saabsan Jamaacada Assaadicuuna Bil xaq oo uu Sh Axmed Cabdisamed siiyey wargeyska Ilays (Qeybta 2aad)

Related Posts

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

June 5, 2022
SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

December 27, 2018

Sheekh Cabdirashid Sh.Cali Suufi oo maanta soo gaaray magaalada Johannesburg, Daawo Sawirada

December 15, 2018
SH ABDULKADIR AL-AHDAL OO MAANTA DIB UGU LAABTAY DALKA TANZANIA

SH CABDULQADIR AL-AHDAL OO DIB UGU LAABTAY TANZANIA Daawo Sawirada

October 29, 2018
Next Post
Waraysi gaar ah oo ku saabsan Jamaacada Assaadicuuna Bil xaq oo uu Sh Axmed Cabdisamed siiyey wargeyska Ilays (Qeybta 2aad)

Waraysi gaar ah oo ku saabsan Jamaacada Assaadicuuna Bil xaq oo uu Sh Axmed Cabdisamed siiyey wargeyska Ilays (Qeybta 2aad)

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

November 5, 2025

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
  • Home
  • Services
  • Shuyookh
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com