Saturday, September 5, 2026
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos
Al Bayaan
No Result
View All Result
  • Login
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
No Result
View All Result
Al Bayaan
No Result
View All Result

MAANDOON MA MUSLIMIINAA (2) W/Q Sheekh Dr C/raxmaan Sheekh Cumar

majlisalbayaan by majlisalbayaan
May 23, 2017
in Articles, Masaajid, Somali
0
MAANDOON MA MUSLIMIINAA (2) W/Q Sheekh Dr C/raxmaan Sheekh Cumar

Dr Sheikkh Abdirahman Sheikh Omar

Dr Sheikkh Abdirahman Sheikh Omar
Dr Sheikkh Abdirahman Sheikh Omar

Allaa mahad leh naxariis iyo nabadgalyo nabi maxamad dushiisa ha ahaato.waxaan ararteeydii ka hadlay in diinta islaamka ay xaq saafi ah tahay iyo buur aan la nuuxin Karin allene xifdin doono ilaa qiyaamaha,waxa kale oo aan soo sheegay in aan qiimeeyn diineed iyo mid caqliba siin doonno dhaqdhaqaaqa MAANDOON oo aan u arko in loo sameeyay duminta diinta islaamka iyadoo la iska dhigayo in la horumarinayo loona hiillinayo.waxaan idiin soo bandhigaa maqaalka u horreeya oo ah.

 

 

 

 

SIDEE DIINTA LOO JADIIDIIN KARAA? Qore :Abdallahi Aw Hassan
Qoraalkiisa:
(Haddii mushkilo la xallinayo waxaa muhiim ah in 3 arrin la helo, kuwaas oo kala ah:
A: In la xaddido dhibka jira nooca uu yahay.
B: Baaxadda ama qaddarka dhibku inta uu le’eg yahay
C: Dawada ama xalka iyo awoodda suulin karta dhibka
Waxaan baarayey diinta muddo ka badan 10sano gabagabadiina waxaan ogaadey in mushkiladu ka timid arrimaha soo socda;) Abdalla wuxuu sheegay saddexda gees oo laga istaagayo marka la rabo in la xalliyo mushkilo,marka hore waa(1) in la xaddido dhibka jiro noociisa (2)baaxaddiisa (3)iyo sidii loo xallin lahaa ama dawadiisa.
Abdalla wuxuu sheegay in uu 10 (toban) sano muddo ka badan uu diinta baarayay wuxuuna ogaaday in mushkiladda ka timid arrimaha soo:
Qoraalkiisa:
(1: In axaadiista iyo aqwaasha culumada loo adeegsadey baabka xuquuqda iyo baabka ku saabsan waxa la xalaaleeyo ama la xarrimo sida axaadiista ku saabsan in qof aan wax dilin dhagax lagu dilo, qof maal xaday oo xubin dhan la jaro, dumarka oo laga xarrimo safarka, ragga oo laga xarrimo xirashada dahabka iyo xariirta iyo kuwo kale oo badan.)
Khabiirkan baaritaankiisii tobanka sano wuxuu soo ogaaday in mushkiladdu katimid in Axaadiista nabiga scw iyo aqwaasha culimada loo adeegsaday baabka xuquuqda iyo xalaaleeynta iyo in wax la xarrimmo.waxaa la yaab leh khabiirkan axaadiista waa waxyi waxna xalaleeysa waxna xaaraameeysa,xuquuqda dadkana kala caddeeysa,haddii la tuuro axaadiista ka hadleeysa xalaasha iyo xaaraanta iyo xuquuqda maxaa noo soo haray diinta islaamka.waxaa naloo diiday in aan iskeen wax u xalaaleeyno waxna u xarrinno:قال تعالى ولا تقولوا لما تصف السنتكم الكذب هذا حلال وهذا حرام لتفتروا على الله الكذب
Waxaad ka tuurtaa diinta oo ha adeegsanin inta xuquuqda ka hadleeysa sida dhaxalka xaqa isku leeyihiin labada isqaba xaqa ilaahay uu ku leeyahay addoomadiisa,xaqa dhiig haddii la kala galo,xubin waliba xaqeeda,iwm. Khabiirka wuxuu leeyahay intaana ha latuuro diinta.
Akhristayaasha waxaan idin weeydiinaa diintii maxaa kasoo haray sida khabiirka rabo haddaan dooneeyno in aan cusbooneeyno diinta.
Abdalla wuxuu soo qaatay tusaalooyin:
1- Qof aan wax dilin in dhagax lagu dilo sida qofka guur soo maray ee zineeysta in dhagax lagu dilo.
2- Qof maal xaday oo xubin dhan la jaro:قال تعالى السارق والسارقة فاقطعوا ايديهما
3- Dumarka oo laga xarrimo safarka maxram laaan
4- Raga oo laga xarrimo xirashada dahabka iyo xariirta.
5- Kuwo kale oo badan
Waxaa layaab leh abdalla maanka uu waxaan ku falanqeeynayo oo aayada tuugga oo culimada fiqhiga kada kitaabka xuduudda baabka xadka tuugada lana gaarsiyay 5 dirham hadduu xado in la jarayo ayuu ilaah uga naxariis batay allihii abuuray gacanta.oo wuxuu leeyahay side xubin dhan loo gooynaa qof aan waxba dilin.Maanka hadduu kaa lumo waxkastaa lagaa filanaa .
Mushkilada labaad ee hortaagan cusbooneeysiinta diintawaa:
Qore:
(2: In loo adeegsadey axkaanta qaarkeed aayado aan quraanka ku oollin oo la yiri waa la nasakhay sida xugunka rajmiga oo keenay in qof aan wax dilin dhagax lagu dilo. Waxaa kale oo la yiri waxaa jira aayaado quraanka ku jira oo nasakhan sida aayadaha 180 iyo 240 ee suuradda al-baqara oo ah aayado cadaynaya dadka dhaxalka leh iyo shuruuda dhaxalka, taasoo keentay inay dhaxalka soo galaan dad aan qaraabada ka tirsanayn sida sawjka aan wax dhalin iyo in bannaanka loo tuuro dad qaraabo ah oo dhaxalka wax ku lahaa sida awowga hooyada dhalay iyo awlaada gabdhuhu dhaleen)

Khabiirka wuxuu leeyahay mushkiladda labaad waa inaayado aan qorneeyn oo la yidhi waa la nasakhay xukunkooda la isticmaalo oo dhagax lagu dilo qofaan wax dilin..
Wuxuu ujeedaa aayadda rajmiga ee akhriskeeda la nasakhay xukunkeedana lagu dhaqmo.
Waxaa kamuuqda khabiirka in uusan isaga isdultaagin tobankii sano ee uu baaritaanka kujiray u fiirso bal erayga(waxaa kaloo la yiri)aayado quraanka kujira oo nasakhan sida aayadaha 180 iyo 240 ee suuratul baqara oo ah aayadoaayado caddeeynaya dadka dhaxalka leh iyo shuruudda dhaxalka taasoo keentay in ay dhaxalka soo galaan dad aan qaraabada ka tirsaneeyn sida sowjka aan wax dhalin iyo in bannaanka loo tuuro dad qaraabo ah oo dhaxalka wax ku lahaa sidasida awowga hooyada dhalay iyo gabdhaha ilmahooda.
Aayadda 180 (كُتِبَ عَلَيْكُمْ إِذَا حَضَرَ أَحَدَكُمُ الْمَوْتُ إِن تَرَكَ خَيْرًا الْوَصِيَّةُ لِلْوَالِدَيْنِ وَالأقْرَبِينَ بِالْمَعْرُوفِ حَقًّا عَلَى الْمُتَّقِينَ ﴿١٨٠﴾
Waxay ka hadleeysaa in qofka dhimanayo in qaraabada aan dhaxalka kujirin wax u dardaarmo’.
وَالَّذِينَ يُتَوَفَّوْنَ مِنكُمْ وَيَذَرُونَ أَزْوَاجًا وَصِيَّةً لِّأَزْوَاجِهِم مَّتَاعًا إِلَى الْحَوْلِ غَيْرَ إِخْرَاجٍ فَإِنْ خَرَجْنَ فَلاَ جُنَاحَ عَلَيْكُمْ فِي مَا فَعَلْنَ فِيَ أَنفُسِهِنَّ مِن مَّعْرُوفٍ وَاللّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ ﴿٢٤٠﴾
Waxay ka hadleeysaa ciddada haweeneeyda laga dhintay ay loo dhaafo si wanaag ah guriga ninkeeda uga dhintay ilaa muddo sanad ah.

Waxa uu ka hadlayo khabiirka iyo waxa aayadaha ka hadlayaan shaqo iskuma laha Wuxuu rabaa in uu edit gareeyo quraanka oo isaga saxo ,fasirkana noo saaro. Mushkiladda saddexaad

W/Q Sheekh Dr C/raxmaan Sh Cumar

Previous Post

‘I THINK ISLAM HATES US’: A TIMELINE OF TRUMP’S COMMENTS ABOUT ISLAM AND MUSLIMS

Next Post

IRAN oo siyaasada Maraykanka ee Bariga Dhexe ku tilmaamtay “Jaahilnimo”

Related Posts

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

June 5, 2022
SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

December 27, 2018

Sheekh Cabdirashid Sh.Cali Suufi oo maanta soo gaaray magaalada Johannesburg, Daawo Sawirada

December 15, 2018
SH ABDULKADIR AL-AHDAL OO MAANTA DIB UGU LAABTAY DALKA TANZANIA

SH CABDULQADIR AL-AHDAL OO DIB UGU LAABTAY TANZANIA Daawo Sawirada

October 29, 2018
Next Post
IRAN oo siyaasada Maraykanka ee Bariga Dhexe ku tilmaamtay “Jaahilnimo”

IRAN oo siyaasada Maraykanka ee Bariga Dhexe ku tilmaamtay “Jaahilnimo”

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

November 5, 2025

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
  • Home
  • Services
  • Shuyookh
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com