Abdikarim Mursal Farah | Cape Town.

Kadib markii magaalada Cape Town ay ku dhufatay duufaantii ugu xumeyd muddo tobaneeyo sano ah, taasoo geysatay qasaaro naf iyo maalba leh, waxaa lagu so waramayaa in ay dhinteen 9 qof intii ay socdeen dabeylaha iyo dab ka dhashay. Duufaanta ayaa waxyeeleysay labaatan iskuul iyo inkabadan 800 oo guri oo ah kuwa ay ku noolyihiin dadka danyarta ah ee ku nool gobalka Western Cape. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in dad ka badan 2500 oo guryahooda ka barakay ay u baahanyihiin gar-gaar bani aadanimo.
Madaxweynaha dalka Jocab Zuma ayaa farriin taageero iyo tacsi ah u diray dadka ay waxyeelada ka soo gaartay duufaanta iyo dabkii ka dhashay oo ka dhacay gobalka Western Cape
“masiibooyinka dabiiciga ah, sida midda waxyeeleysay Western Cape, waxay mar walba dhibaatada ugu badan soo gaartaa dadka danyarta ah” sidaas waxaa yiri Zuma.
Dabeylahaan ku dhuftay Cape Town, ayaa waxay imaanayaa kadib markii gobalka looga digayay abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo ku soo wajahan iyadoo ay gabaabsi ahaayeen keydadka biyaha ee Western Cape. Haatan waxaa magaalada Cape Town iyo agagaarkeeda ka soconaya dib u dayactir lagu sameeynayo guryo, iskuulo iyo wadooyin ay waxyeeleysay duufaanta iyo roobabkii lasocoday ee dhawaan ku dhuftay gobalka, taas oo aheyd mid laga sii digay.
Guri biyo soo deeyay oo weelal loo dhigayo
Dad shidanaya dab ay isku kululeeyaan
Guryahii roobka saameeyay oo la leyrinayo
Eey dab kuleylanaya
Mid kamid ah guryaha ay biyaha galeen
Geed weyn oo guri ku dumay
Guryaha ku yaala tuulooyinka oo qaarkood ay biyo galeen qaarna dabeyshu qaaday
Qof dumar ah oo ku dhex lugeyneysa biyo yaala xaafadeeda
Xigasho: wakaaladda.com








