16 June 2017 | Ahmed Abdi
Berri oo taariikhdu tahay 17 June 2017 ayaa waxaa la qaban doonaa Tartan Quraan oo ay ku tartami doonaan ardada Madarasada Albayaan Johannesburg qaar ka mid ah.
Ardadan oo da’adoodu aad u yaryar tahay waxay ku tartami doonaan jusaskan hoose, ayadoo ay ka qayb qaadan doonaan 35 arday.
Qaybaha Quraanku waxay kala yihiin; 10 Juz, 6 Juz, 4 Juz, 3 Juz, 2 Juz iyo 1 Juz.
Xukaamtu waxyaabaha ay imtixaanayaan, waa Xifdiga, Tajwiidka, Nudqiga, iyo Cod wanaagga.
Waxaan u rajaynaynaa guul ardadaas.
Makka Al Mukarama










