Johannesburg.
Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 22/12/2017 ka furmay Tartankii Qauraanka ee Shannaad ee uu qabto Majliska Albayaan ee Koonfur Afrika, kaasoo socon doona illaa iyo 23/12/2017, maalinta 24/12/2017-na waxaa la bixin doonaa Jaaisooyinka aradada ku guulaysata taartanka quraanka.
Tartankan waxaa ka qayb galaya 38 arday oo ka kala socda madaarista hoos yimaada Majliska Albayaan, iyagoo ku tartamaya 30ka Jus, 15ka Jus, 10ka Jus, 5ta Jus iyo 1 Jus.
Ardaydan, waxaan u rajaynaynaa guul sidaa waxaa yidhi guddoomiyaha qaban qaabada ee Tartanka Macalin Cali Ibraahim.
Warbaahinta Albayaan Johannesburg














