Saturday, September 5, 2026
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos
Al Bayaan
No Result
View All Result
  • Login
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
No Result
View All Result
Al Bayaan
No Result
View All Result

Bayaan ka soo baxay Kalfidhigii 16aad ee Golaha Jamciyada Islaamka ee Waqooyiga Mareykanka (Masawiro)

majlisalbayaan by majlisalbayaan
August 5, 2017
in Masaajid, Social Affairs, Somali
0
Bayaan ka soo baxay Kalfidhigii 16aad ee Golaha Jamciyada Islaamka ee Waqooyiga Mareykanka (Masawiro)

thumbs_2

Waxaa Allah mahaddiis ah in kalfadhigii 16-aad oo lagu qabtay  Abubakar As-Saddique Islamic center ee magaalada Minneapolis gobolka Minnesota, muddadii u dhexeysay: 28/7/2017 – 31/7/2017, uu kusoo gabagaboobay guul iyo wanaag.

Kulanka waxaa iskugu yimid culimada, iyo hogaamiyayaasha maraakista ku bahoobey golahaan oo tiradoodo tahay (28 Masjid/Markas) oo ka kala yimid gobolada waddanka Maraykanka.

Goluhu wuxuu warbixinno ka dhagaystay madaxdii iyo imaamyadii matalayey maraakista kala duwan iyo warbixinnadii waxqabashada oo ay soo jeediyeen golaha shuurada iyo madaxa fulinta ee Jimciyadda Islamic Association of North America (IANA).

Intaas ka kadib goluhu wuxuu dhexgalay qodobbadii u yaalley ee dacwada, iyo horumarinta, iyo habsami u scodka maraakista.

Qodobbada aadka xoogga loo saaray waxaa ka mid ahaa:

  1. Horumarinta dacwada oo ka kooban
  2. Dacwada Dhalliyarada oo aad oo lafa guray go’aammo dhaqan gal ahna laga soo saaray
  3. Dacwada dumarka oo la muujiyay aadna loo adkeeyay inay tahay mid muhiim ah dayyac bandanna uu ka jiro.
  4. Dacwada masaajidda, iyo dadwaynaha guud ahaan oo la tilmaamay inay muhiim tahay in dadka aan masaajidda imaanin la gaaro oo dacwada lugu gaarsiiyo wadiiqo walba oo sharci ah oo suurto gal ah.
  5. waxbarashada islamiga ah ee maraakista oo ka kooban
  6. Dugsiyada
  7. Macaahidda iyo
  8. Jaamacadaha.

Waxaa aad loo adkeeyey muhimmadda ay leedahay isku xirka heerarka waxbarashada kala duwan ee kasoo billaabato dugsiga ilaa jaamacadda. Sidaas darteed, goluhu wuxuu baraarujiyay in ladiyaariyo manhaj waxbarasho iyo waxbarasho oo heerarka kala duwan ah oo ka dhexeeya golaha maraakista AINA. Sidoo kale waxaa aad loo tibaaxay xoojinta tababaridda, iyo tayanta macallimiinta, maamullada iyo imaamyada maraakista.

1
2
3 (2)
3
5
6
7
8
  1. Dhallinyarada

Waxaa aad loo adkeeyay muhimmadu ay dhallinyaradu u leeyihiin jiritaanka, iyo horumarka mujtamaca Muslimka ah ee soomaaliyeed. Waxaa la isla meel dhigay in:

  1. La diyaariyo barnaamij dacwo iyo waxbarasho oo ayaga u gooni ah
  2. In loo sacyiyo sidii lugu soo saari lahaa jiil dhallinyara ah oo tayyo leh oo qaata dawrkooda mustaqbal ee Diin iyi aduunyaba
  3. In lasoo saaro si gaar ah hoggaamiyayaal, imaamyo, ducaaw, macallimiint, iyo maamulayaan ummadda ka anfaca sidii looga gudbi lahaa caqadaha jira loona gaari lahaa himilooyinka la tiigsanayo.
  4. In si gooni ah xil la iskaga saaro sidii loo soo celin lahaa loona toosin lahaa dhallinyarada ka leexatay dawga saxda, looguna samayn lahaa barnaamijyo ku aaddan sidii ay noqon lahaayeen dad naftooda iyo qayrkoodba anfaca
  5. In lugu kaalmeeyo lagalana shaqeeyo inay lahaadaan oo hoggaamiyaan ururro ku dacwo, bulsho, maamul ee ku wajahan da’yarta.
  6. In lugusoo xiro culumada, iyo ducaadda manhajkooda lugu kalsoonyahay si ay uga badbaadaan inxiraafaadka, iyo jahawareerrada manaahijta khaldan.
  1. Qoysaska:

Goluhu wuxuu aad u gorfeeyay muhiimadda uu leeyahay qoyska Muslimka ah oo udub dhexaad u ah jiritaanka iyo horumarka bulshada sidaas darteed waxaa la soo jeediyaya:

  1. In la xoojiyo ishaysiga iyo jiritaanka qoyska iyo horumarkiisa
  2. In la dhiirri galiyo guurka dhismaha qoysaska luguna saleeyo mabaadii’da assaasiga ah ee Islaamka.
  3. In la siiyo qoysaska dawrooyin iyo talooyin ku saabsan xuquuqda iyo dhaqanka wanaagsan ee qosyka iyo tarbiyada caruurta
  4. In sameeyo guddi xalliya khilaafaadka qoysaska
  5. In laga digo, dadka laga wacyi galiyo kala tagga iyo khilaafka qoyska iyo cawaaqib xumada ka dhalanaysa.
  1. Arrinta Islam Nacaybka

Waxaa goluhu ka hadlay arrinta Islam nacaybka oo meela qaar kusoo badatay, waxaana shirka lagu casuumey oo talooyin ka soo jeediyey: Sanduuqa Difaaca Muslimiinta, falanqayn ka dibna wuxuu goluhu go’aansaday:

  • In lala Kaashadu Sanduuqa Difaaca Muslimiinta
  • In hay’adaha difaaca xuquuqda aadanaha, iyo gaar ahaan hay’adaha difaaca muslimiinta sida CAIR iyo MLF.
  • In dadka la wacyi galiyo lana baro xuquuda ay ku leeyihiin waddanka
  • In dadka muslimiinta ay dadyawga kale ee ay dagaanka la wadaagaan ay kula dhaqmaan wanaag, soona bandhigaan saamaxaadda islaamka iyo quruxda akhlaaqda islaamka
  • In haddii uu dhib soo gaaro maraakista ama dadka muslimiinta ah si dag dag loogu gudbiyo hay’adaha nabadgalyada iyo hay’adaha xuquuqda.

Dardaaran:

Goluhu wuxuu kula dardaarmayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan All aka cabsi, toosnaan iyo isku duubnaan.

Goluhu wuxuu dardaarmayaa in ummaddu ay ku xirnaato culumada lugu yaqaanno cilmiga, dhawrsashada, iyo toosnaanta.

Dhinaca kale guluhuu wuxuu ka digayaa afkaarta qalloocan ee lugu buunbuuniyo baraha kulanka bulshada iyo meergaha internet ka, wuxuuna mujtamaca muslimka ah ee soomaaliyeed kula dardaarmayaa inay iska hubsadaan wararka, iyo macluumaadka marar badan laga soo jeediyo goobahaas.

Goluhu wuxuu ummadda soomaaliyeed kula dardaarmayaa midnimo, walaaltinnimo iyo is jacayl.

Waxaan Allah waydiisanaynaa inuu dambi dhaaf nasiiyo, wax kasta oo khayr adduunyo iyo aakhira ah na waafajiyo.

Wassalaamu Calaykum ww.

 

Xigasho: halgan.net

Previous Post

Culimada Somaliland oo Bayaan Ka Soo Saaray Kaniisada Hargeysa (Daawo)

Next Post

KHUDBADDII JIMCAHA EE MASJID ABUBAKAR SIDIQ KENYA- NBI 04/08/2017

Related Posts

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

June 5, 2022
SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

December 27, 2018

Sheekh Cabdirashid Sh.Cali Suufi oo maanta soo gaaray magaalada Johannesburg, Daawo Sawirada

December 15, 2018
SH ABDULKADIR AL-AHDAL OO MAANTA DIB UGU LAABTAY DALKA TANZANIA

SH CABDULQADIR AL-AHDAL OO DIB UGU LAABTAY TANZANIA Daawo Sawirada

October 29, 2018
Next Post
KHUDBADDII JIMCAHA EE MASJID ABUBAKAR SIDIQ KENYA- NBI 04/08/2017

KHUDBADDII JIMCAHA EE MASJID ABUBAKAR SIDIQ KENYA- NBI 04/08/2017

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

November 5, 2025

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
  • Home
  • Services
  • Shuyookh
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com