Abdikarim Mursal Farah | Cape Town, South Africa.| 20 April 2017

Cyril Ramaphosa oo xalay kulan casha ah la yeeshay ururka Golaha Ganacsatada Madoowga ah ayaa mar uu la hadlayay waxaa uu sheegay in waddanka uu wajahayo waqti adag oo uu jiro culeys dhaqaale oo mushkilad ku ah horumarka dalka, taasoo jirta, ayaa hadane wali waxaa jira ayuu yiri rajo wanaagsan.
Waxaana uu arrintaasi ku dhiiragaliyay maalgashadayaasha, Saraakiisha warshadaha iyo bulshada rayidka ah ee South Africa.
Kulankan cashada ah ee ka dhacay Hotel-ka Hilton ee ku yaala Santon ee magaalada Johannesburg, ayaa wuxuu ahaa mid lagu lafagurayay sidii wax looga qaban lahaa mushkiladaha dhaqaale ee ka jira Koonfur Afrika, taasoo keeni karta in markale ay maalgashadayaashu hantidooda kala baxaan wadanka waa haddii aan wax laga qaban dhaqaalaha wadanka oo hoos u sii soconaya, waxaana madaxweyne ku xigeenka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa uu yiri “Waxaa jira dhibaatooyin, laakiin sidoo kale waxaa jira horumarro. Waxaa jira rajo ah in aan xalinno mushkiladaha uu waddanka wajahayo, mana ogolaan doono in shiqsi, koox ama qoys gaar ah uu qaranka gacanta u galo”.
Hadalkan uu xalayto jeediyay madaxweyne ku xigeenka dalka South Afrca Cyril Ramaphosa ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli Koonfur Afrika ay kaalin hoose ka gashay wadamada ugu soo jiidashada badan maalgashiga qaarada Africa marka loo eego kaalintii ay dhowr sano kahor kaga jirtay dhanka maalgashiga Afrika iyadoo aheyd wadan ku haboon ganacsiga horta ah.
Sources: wakaaladda.com







