
Qatar waa Dal ku yeela dhankabari ee jaziirada carabta, wuxuu leeyahay halxuduud oo dhanka bariga ah, wuxuuna la wadaagaa dalka Sucuudiga, waa dal qani ku ah soo saarka saliida iyo gaaska dabiiciga ah. Dhul ahaan wuxuu ku fadhiyaa 11,586 km2 . Tirikooob la sameeyay 2015kii tirada dadku waa 2.235 Milyan.
Dalka yar ee Carbeed wuxuu wajahayaa qalqal siyaasadeed oo kaga furan dalalka xulufada la ah Sucuudiga, sida Baxreyn, Imaaraadka Carabta, Yaman iyo dalka Masar. Dalalkaasi ayaa Xiriirka u jaray Qatar bilowgii todobaadkan, yagoo ku eedeeyay in Qatar ay maalgalin iyo taageero siiso ururo lagu sheegay in ay yihiin argagixiso.
Intabadan gobolka Bariga dhexe, waxaa kajira quwado ku dagaalama hanashada iyo ku awoodlahaanshaha go’aamada gobolka.
Quwadahan ayaa kala ah:
- Iraan oo iyadu tageerta Shiicada ka dagaalanta dalalka ciraaq Iyo Suuriya. Xisbullah oo uu saldhigoodu yahay dalka Lubnaan iyo Xootiyiinta awooda kuleh dalkaYaman.
- Quwadan waxaa hogaaminaya boqorada dalalka Sucuudiga, Baxreyn, Imaaraadka Carabta, Jordan iyo Masar oo iyaduna kamid ah.
- Isbaheysigan waxaa kubohoobay Turkiga, Qadar iyo Iqwaanul Muslimiinka reer Masar.
Dhammaan dalalka kooxaha kor ku xusan, waxey kaqeybqaadanayaan dagaalka ka jira dalalka ciraaq iyo Suuriya, midkastaana wuxuu leeyahay u jeedo gooni ah, iyaguna waxaa kor kasii ilaashanaya oo danahooda gaarka ah wata dalalaka Ruusha iyo Mareykanka oo iyagu u muuqda iney ku loolamayaan hanashada Bariga Dhexe.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Javad Zarif oo arbacadii Ankara kula kulmay Ordogan. Xuquuqda Sawirkda – (Reuters)
Waa Maxey Saameynta Turkiga iyo Iran
Go’doominta lagu sameeyay Qadar waxaad moodaa in ay wanaajineyso xiriirka siyaasadeed ee dalalkaTurkiga iyo Iraan, maalintii Arbacada waxaa dalka Turkey tagay wasiirka arrimaha dibada ee dalka Iraan Maxamed Javad Zarif si ay isku fakar uga noqdaan arrinta Qadar.
BaarlamaankaTurkiga wuxuu soo saaray sharci ogolaanaya in ciidanka MilatarigaTurkiga lageyn karo Qatar, sidoo kale Turkiga wuxuu sheegeey in ay Qadar geyndoonaan cunto iyo biyo silamid ah Iraan.
Mareykanka
Mareykanka wuxuu saldhig ciidan ku leeyahay dalka Qadar, waxaa ka jooga ciidan gaaraya 10.000 oo asakari. Madaxweynaha Mareykanka Donal Trumpt wuxuu bartiisaTwitterka soo dhigay asagoo ku faanaya inuu ka dambeyay arrinta go’doominta Qadar, kadib markii uu ka qeybgalay shirkii madaxda Afrika.
Go’aanka Turkiga uu ka qaatay arrinta Qadar, waxay dhalisay in Mareykanku uu badalo mowqifkiisii ku aadanaa in Qatar la go’doomiyo iyadoo lala xiriiranayo taageero ay siiso kooxaha islaamka ah ee loogu yeeray Argagxisada, waxuuna isu badalay in uu yahay dhexdhexaadiye, isagoo maanka ku haya saameynta Militari ee uu Turkiga ku yeelandoono Gacanka. Trumpt wuxuu qadka taleefoonka kula xiriiray dhigiisa Qatar si arrinta wadalhadal loogu dhameeyo, Amiirka dalka Qadarna wuu aqblay arrinkaas oo u muuqanayay in uu yahay mid lagu sasabayo Qatar oo lagu hilmaansiiyo sheegashada Mareykana ee ku lug lahaanshihiisa go’aanka lugu fududaaday ee wadankaasi.
Hada Mareykanku wuxuu ku jiraa wadamada dhexdhexaadinta oo ay ugu horeeyaan dalalka midowgaYurub.
Intaas waxaa ku dhan qeyta 1aad ee qormo aan uga hadleyno Go’doominta Qadar. Qeybta labaad waxaan diiradda ku saaridoona Al-jazeera oo ah warbaahinta ugu afka dheer dunida oo laga leeyahay dalkaasi Qatar, oo iyana qeyb ka ah waxyaabaha lagu bartilmaameedsaday Qadar.
W/D: Abdikarim Mursal Farah
Xigasho: wakaaladda.com








