Shirweynihii jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Africa uga socday sagaalkii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa xalay si rasmi ah ugu soo gaba-gaboobay magaalada Johannesburg, halkaas oo ah meesha uu ku yaal xafiiska ugu weyn ee Golaha dacwada Albayaan oo ah hay’adda Soo qabanqaabisa mu’tamarka.
Shir-sanadeedkan oo sanadkiiba mar la qabto, ayaa lagu casuumaa culamaa’udiinka ugu caansan Soomaalida dhexdeeda oo ka kala yimaada dalal kala gadisan, si bulshada Soomaaliyeed ee soo qaxday ay u wacyigaliyaan oo ay ugu sheegaan waxyaaba anfacaya aakhiro iyo adduunyo intaba.
Mu’tamarka sanadkan oo noqonaya kii 8aad ayaa culimada ka qeybgashay waxaa kamid ah Sheekh Maxamed Cabdi Umal, Sheekh Axmed Daahir Aweys iyo culimo kale oo si weyn loo yaqaan.wuxuuna sanadkan kaga duwanaa kuwii hore, in halmaalin uu ka wada furmay magaalooyinka Cape Town iyo Johannesburg, halka sanadihii hore uu marka koowaad ka furmi jiray magaalada Johannesburg, kadibna Cape Town, dabeetana waxay u sii gudbi jireen magaalooyinka kale ee dalka.
Mu’tamarka ayaa diiradda lagu saaraa arrimaha diineed ee markaasi taagan, waxaana culimadu ay jawaabo waafi ka bixiyaan su’aalo diini ah ee ay qabaan dadka. sanadkasta waxaa uu leeyahay mu’tamarka halkudhig ugaar ah oo ka duwan kuwii hore, waxaana sanadkan halkudhig looga dhigay “Wanaaji sida uu Alle kuu wanaajiyay”, wuxuuna ahaa mid bulshada Soomaaliyeed ku boorinaya ahaanshahooda dad Musliim ah oo si wanaagsan rabigood ugu xiran.
Waxaan goob-joog ka ahaa dhammaan mu’tamaradkii lagu qabtay South Africa, gaar ahaan qeybtiisa Cape Town, halkaas oo ah meesha aan ka degganahay Koonfur Africa. Mu’tamarkii 8aad ee xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Johannesburg intii uu socday waxyaabaha aan ka xusuusto ee aan u arkayay in culimadu ay ahmiyad gaar ah siiyeen waxaa kamid ahaa: Macaamilka ganacsiga, ka dheeraanshaha xaaraanta iyo fahamka dowladnimada, maadaama dhalinta Soomaaliyeed badankood aysan aqoon badan u laheyn nidaamka dowladnimo. Culimada ayaa tilmaamtay iney muhiim tahay in dadka la baro dowladnimada si ay u kala ogaadaan waajibaadka lagu leeyahay iyo kan ay leeyihiin, si nidaamka dowliga ah ee aan maanta heysano aan loo arkin mid dadka ciriirinaya oo aan qofka siineyn xuquuqdiisa gaarka ah.
Sanad walba inta uu socdo mu’tamarka waxyaabaha faa’idooyinka leh ee qabsooma waxaa kamid ah, xaflado ay culimada ka qeybgalaan oo shahadooyin lagu guddoonsiinayo arday Soomaali ah oo dhameysatay barashada Quraanka Kariim, kuwaas oo badankood ku dhashay South Africa. Guddoonsiinta shahaadooyinka ayaa ah mid ahmiyad gaar ah u leh ardayda iyo waalidiinta, wuxuuna arday walba dadaal ku bixinayaa sidii uu sanadka dambe u dhameyn lahaa Qowlka eebe.
Shirkan ay ka soo qeybgalaan culimada oo sanad walba lagu qabto dalka South Africa ayaa soo bilaabmay sanadkii 2010-ka, wuxuuna soo maray heerar kala duwan, iyagoo mararka qaar uu imaanayay gabaawsi dhaqaale, maadaama guud ahaan shirkaasi uu ku baxo qarash aad u farabadan.
Tan iyo markii uu bilaabmay mu’tamarka waxaa la casuumay oo ka soo qeybgalay in ka badan 50 Sheekh oo jeediyay ugu yaraan 290 muxaadaro oo diini oo dhammaantood ku saabsanaa in bulshada loo wacyi galiyo qaab diini ah. Halkii mu’tamar ee la qabto waxaa ka faa’ideysta dad lagu qiyaasi karo 6m (lix million) oo ku kala sugan daafaha caalamka, iyagoo isticaalaya aaladaha kala duwan ee warbaahineed ee hadda dunida ka jira. Waa suuragal in boqolaalka sano ee soosocota ay muxaadarooyinkaasi ahaadaan kuwa keyd ah oo la isticmaali karo, iyadoo dadka ka faa’ideystayna ay tiraadaas ka sara mari karto.
Culimada ayaa intii ay joogeen South Africa waxay booqdeen ku dhawaad 10 magaalo oo ay joogaan dad Soomaali ah oo ixtiraam iyo sharaf ku soo dhaweeyay. Culimada ayaa si guud dadka ku booriyay in Alle laga baqo, sida saxda ahna loo qaato Diinta Islaamka oo aan lagu kadsoomin dhal-dhalaalka nolosha aduunyada, sidoo kale waxay kula dardaarmeen in la qabsado xariga alle, kaasoo ah midka lagu badbaadi karo adduun iyo aakhiro. Ugu dambeyntiina waxay u duceeyeen Soomaalida oo idil iyo guud ahaan muslimiinta.
Abdikarim Mursal Farah
Cape Town, South Africa







