
Johannesburg: Maalamahan waxaa baraha warbaahinta noocyadeeda kala duwan ka socotay hadal hayn badan oo ku saabsanayd buug uu qoray Sheekh la yidhaahdo Cabdiraxmaan Jibriil, buuggaasoo ay ku qornaayeen waxyaabo badan oo diinta Islaamka iyo muqadasaadkeeda wax wayn u dhimaya.
Buugga waxaa lagu qoray afka Ingiriiska waana sida “Islamic Extremism the Untold Truth” oo micnaheedu tahay Xagjirnimada Islaamka iyo Xaqiiqooyin aan la sheegin.
Buuggan oo uu ka hadlay Sh shibli kana soo jeediyay laba Muxaadaro oo aad u qiimo badan, kuwaasoo kala ahaa qaybtii koowaabaad iyo qaybteedii labaad.
Labadaas xalqo oo kore iyo caddayn ballaadhan oo uu Sheekh Shibli sameeyay, taasoo runtii ahayd hawl aad muhiim u ah bulshada muslimka Soomaaliyeed ee rafaadka ku jirta in diintooda aan laga fidnaynin, intaa ka dib ayuu Sh cabdiraxmaan soo duubay Cajaladdan hoose oo uu ku tawbad keenayo.
Albayaan Johannesburg







