Pretoria: Waxaa Wasaaradda arimaha gudaha ee waddanka Koonfur Afrika ay dib u eegis ku samaysay sharciga qaxootiga guud ahaantiis, waxayna wax ka badashay arimo badan oo khuseeya qofka qaxootiga ah, maamulka qaxootiga, guddiga joogtada ee qaxootiga (standing commitee), iyo kuwo kale oo badan.
Sharcigan la baddalay waxaa ka mid ah
(1) In qofkii qaxootinimo ku soo gala uu iska diiwaan geliyo goobaha loogu talagalay in qaxootiga lagu qaabilo muddo shan cisho gudahood ah, ciddii aan isku diiwaan gelinin waxaa suuroowda in dib loogu celiyo meeshii uu ka yimid.
(2) In qofku uu ka soo galo waddanka meelaha xudduudaha ah ama eeraboorada, iyana mid mid sidaa ka duwan haddii la helo waxaa laga qaadi tallaabo waafaqsan shuruucda u taalla waddanka.
Fadlan eeg lifaaqan hoose.
http://www.home-affairs.gov.za/images/PDFs/Draft%20Refugees%20Amendment%20Bill%202015%20for%20comments.pdf






