Shirkada Computerada ee Microsoft ayaa ka hadashay weerar virus ee lagu qaaday in ka badan 150 wadan oo kala gedisan, viruskan ayaa ku faafay in ka badan 200 kun oo computer jimcihii lasoo dhaafay.
Viruskan oo ah nooca loo yaqaan Malware ayaa gebi ahaan xiraya xogta ku jirta computer-ka kadibna ka codsanaya qofka ama shirkada computerka isticmaasha inay bixiyaan lacag madax furasho ah si ay dib ugu helaan xogtii ugu jirtay computer-ka.
Malware-ka ayaa xiraya [encrypt] ka dhigaya dhamaan document kuugu jira computerka oo aadan dib u furi karin illaa ay fasaxaan kooxda weerarkan ka danbeysa oo codsaneysa lacag.
Qaab uu ku faafay Viruska
Inta badan weeraradan ayaa lala beegsaday shirkadaha waaweyn iyo waliba computerada sida gaarka ah loo leeyahay ee isticmaala barnaamijka Microfsot ee [Windows], qaabka uu ku faafo waa dhinaca Emailka ama Spam Email.
Emailka viruska wata ayaa inta badan wata lifaaq ama Attachment haduu qofka furo kadib u fududeenaysa inuu viruska ku faafo computerka. Badanaa emailka waxaa loo ekaysiiyaa mid ka yimid shirkad.
Microfsoft ayaa sheegtay in weerarkan uu yahay mid loo adeegsaday virus ay horey u sameysay hay’ada sirdoonka Maraykanka ee NSA, viruskaasi oo ay ku aruurin jireen si qarsoodi ah xogta dadka ay baarayaan, balse viruskan cusub ayey kooxaha computerada jabsada qeybo kamid ah ka bedaleen kii hore ee sirdoonka NSA kadibna Emailada ku faafiyeen.
Horseed Media








