Ahmed Abdi | 12/05/2017
Waxaa diyaargaroow loogu jiraa tartankii Quraanka kariimka ee sannadlaha ahaa ee ay soo qaban qaabiso Hay’adda Quraanka Kariimka ee Koonfur Afrika, kaas oo ay ku tartamaan arday kor u dhaafta kun, ardadaasoo ka kala timaadda madarasooyin kala duwan iyo maraakista ku yaalla waddankan Koonfur afrika oo dhan.
Tartankan oo ah kiisii 12aad ayaa waxaa lagu kala tartamaa sidan hoose:
RAGGA
Majlis Albayaan oo ay hoos yimaadaan shan iyo toban madaraso ayaa ka mid ah madaarista ardaydoodu ka qayb galaan, mar walbana ay ka muujiyaan wacdaro lama illaabaan.
Tartamaha koobaad ee ku guulaysta A, waxaa loo qaadaa Cumro lacag la’aan ah iyo hadiyado kale.
Waxaan Illaahey ka baryaaas tartankaynaa in uu u fududeeyo ardaydaas Tartanka.
Albayaan
Xafiiska warfaafinta







