waxaa shalay oo sabti ahayd 23. 06. 2018 lagu soo gaba-gabeeyey Markazka Imam Bukhati xaflaDdii furitaanka Madarasada Imam Bukhari ee Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika.
waxaa ka soo qayb galay waalidiin, marti sharaf kala duwan, Ardada, Maamulka iyo macalimiinta, waxa dib loo furayey Madarasada teeramka 2aad ee sannad dugsiyeedka 2018.
Waxaa lagu gudoonsiinayey ardaydii ka qaybgashay imtixaanka teeramka 1aad oo gaarayey 87 arday, waxaana kaalmaha 1, 2 iyo 3 galay 44 arday , halka 43 ka kalana uusan ku jirin hal arday oo ku dhacay imtixaanka.
waxayna ku soo dhamaatay jawi aad u farxad badan.
Abuu Xamza
Pretoria




















