Xafiiska UNSOS (United Nations Support Office in Somalia) oo shaqadiisu tahay, sida ka muuqata magacooda, gargaarka Somaliya ee Qaramada Midoobay, ayaa soo bandhigay shalay waxqabadkood iyo kharashka gala Somaliya iyo dhibta kasoo gaarta.
Ciidanka AMISOM oo ku sugan dalka tiradoodu waa 22,126. Tirada ciidank xoogga dalka oo dhan 10,900[i] ayaa la shaqeeya. Intaa oo idil waxaa ay ka hawl galaan waddanka. Waxaa intaa dheer shaqaalaha xafiisyada AMISOM oo dhan 12,000 oo ka kala yimid Yuganda, Burundi, Jabuti, Etoobia, Nayjeria iyo Siiraliyoon. Kuwaanoo shaqadoodu ku jirto tababarka xuquuqda aadamah.
Waxaa kaloo sanadkiiba baxa shiidaal (naafto) gaareysaa 30 malyan oo liitir. Waxaa la quutay 23,000 oo tan (23 Malyan oo Kiilo) oo cunno ah. Intaa waxaa dheer gaadiid, dayaarado (helicopters) iyo gawaarida gaashaaman.
Warbixintu waxaa ay sheegtay in 10 kii toddobaadba mar la weeraro shaqaalaha UNta iyo agabkooda.
Haddaba waxaa isweydiin mudan, haddii intaas oo idil oo xoog iyo hanti ah ay UNtu geliso Somaliya, waa maxay sababta keentay in aan nabad weli la heeyn?
Puntland iyo Somaliland waa nabad. Kharashkaa ma galo, ciidanka intaa la egna ma joogaan. Xasillooni darrida ka jirta deegaamada ay AMISOM iyo UNta ku hawlanyihiin waa mid aan dhammaaneyn. Haddaba ma oran karnaa dadbaa ka faa-iidayo dhibta ka jirta deegaamadani?
Xal waara in la helo waxay ku xirantahay rabitaanka bulshada dhibtu ay heysato iyo hoggaankooda. Xoog dibbad ka yimid marnaba lagama yaabo inuu xasiliyo bulsho aan dooneyn in ay nabad ku waarto. Somaaloo idil haddii aanay danteeda garan, cid kale oo garowsiin karta ma jirto.
xigasho: http://horseedmedia.net/2015/11/12/unsos-amisom-mannala-hafrayaa-mise/






