Saturday, September 5, 2026
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos
Al Bayaan
No Result
View All Result
  • Login
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
No Result
View All Result
Al Bayaan
No Result
View All Result

Xarunta AL-UMMAH oo 66 Arday oo Quraanka dhamaysay Shahaadooyin lagu gudoonsiiyay.[Masawiro]‏

majlisalbayaan by majlisalbayaan
December 8, 2016
in Madaaris Activities, Somali
0
Xarunta AL-UMMAH oo 66 Arday oo Quraanka dhamaysay Shahaadooyin lagu gudoonsiiyay.[Masawiro]‏

Waxaa habaynkii Axada 07/11/2015 lagu Qabtay Xarunta AL-UMMAH ee Lusaka- Zambia Xaflad Balaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayna ka soo qayb galeen dad aad u tira badan oo kooban dhamaan Qaybaha Bulshada Jaaliyada, Xafladaas oo lagu maamuusayay 66 Arday oo Qur,aanka kariimkaa dhameeyay ardaydaas waxay isugu jireen Gabdho iyo wiilal, Gabdhaha ayaa ahaa 43 Gabdhood iyo 23 Wiil,

Waxaa Xaflada lagu Furay aayadaha Qur,aanka kariimka ah iyo wacdi isku xigay, Xaflada sanadkaan waxay u muuqatay Xaflad ka duwan xafaladihii lagu qaban jiray Xarunta marka laga fiirsho ka soo qayb galka iyo qaabka loo soo agaasimay oo aad u sareeyay iyo Ardayda oo soo bandhigay qiimaha iyo Tayada waxbarasho ee ay gaareen iyo waliba gabayo Af soomaali ah oo aad loola dhacay, dadkuna ay la yaabeen maadama ay arkeen arday wadankaan ku dhashay oo diintii iyo dhaqankiiba si fiican ugu dhagan,

Xaflada waxaa ka soo qayb galay marti Sharaf badan oo ugu horeeyay Safiirka Dawlada Federalka ee Somaliya Mudanae Mohamed Hassan Dawaare oo halkaas ka jeediayya hadalo muhiim ah oo isugu jiray mahadnaq, gubaabo iyo talooyinba ka dibna Ardayda Shahaadooyinka gudoonsiiyay sidoo kale waxaa meesha ka hadlay Madaxda Jaaliyada Somaliyeed ee Lusaka, Culumaaudiin, waalidiin iyo Indheergarad badan oo ka tirsan Jaaliyada Zambia.

Xafladu inta ay socotay waxaa mar kasta la soo dhex galinayay bandhigyo kooban oo ay ardaydu soo gudbinaysay kuna saabsan waxa ay barteen iyo wax ay ugu tala galeen Xaflada, sida Quraan Akhris, wacdi, Su,aalo diini ah,Gabayo, iyo Anaashiid Somali iyo Carabi isugu jirta.

Waxaa kaloo aan meesha ka maqnayn Warbixino ku saaban Xarunta Qaybaheeda kala duwan Sida iskuulka, Masaajidka iyo madrasadaba inakstoo ay Xafladaan marti galinteeda iyo qaban qaabadeedba ay lahayd Qaybta Dugsiyada Qur,aanka, waxaa warbixin guud ka bixiyay Xarunta iyo waxa ay qabato, Gudoomiyaha gudiga Fulinta Dacwada Lusaka Sh Abdiqaadir Abdulle Ali Ilwayn,

Sidoo kale waxaa Sanadkaan Xaflada ka soo qaby galay Wafdi Culus oo ka yimid Caasimada 2aad ee Zambia Ndola oo Lusaka u jirta 320Km una soo safray inay ka soo qayb galaan Xafldaas lagu casuumay, waxayna halkaas ka soo jeediyeen warbixino ku saabsan Gobolka ay ka yimaadeen iyo Madaarista ka jirta iyo xarumaha ay ku leeyihiin, waxaana wafdigaas u hadlay Sh Muxyidiin Cosbole iyo Sh Abdirahman Ahmed Ismail,

Gababadii Xaflada waxaa la gaaray Xilligii ay sugayeen ardayda maanta Xaflada loo dhigay iyo dhammaan ka soo qaybgalayaashu oo ahyd saacadii ardayda la gudoonsiinayay Shahaadooyinak Ardayda Quraanka dhamaysay,

Intaas ka dibna waxaa la guda galay Cashadii ay soo diyaariyeen Gabdhaha Dacawada Lusaka oo Qaban qaabada Xafladaan Qayb libaax ka qaatay,

hgg66
w1
w10
w11
w12
w13
w14
w15
w2
w20
w21
w22
w23
w24
w25
w26
w27
w28
w29
w3
w30
w31
w32
w33
w34
w35
w4
w5
w6
w7
w8
w9

Xalflada ka dib ayay waalidiintii iyo caruurtii is dhex galeen ayagoo isu hambalyaynaya kuna balamay in dadaalka halkaas laga sii wado. Reer Lusaka ayaa xalay wajiyadooda waxaa ka muuqatay Farxad aad u wayn ayagoo isugu Hambalyaynaya Guusha ay gaareen Dhammaantood,

AL – UMMAH MUSLIM SOCIETY
Halgan.net ,Zambia

Previous Post

UNSOS – AMISOM: Mannala Hafrayaa Mise……

Next Post

Xafladda Arday ka Qalin-jabisay Mac-hadka Khadiija Bintu Khuwaylid ee Garowe

Related Posts

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

June 5, 2022
SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

December 27, 2018

Sheekh Cabdirashid Sh.Cali Suufi oo maanta soo gaaray magaalada Johannesburg, Daawo Sawirada

December 15, 2018
SH ABDULKADIR AL-AHDAL OO MAANTA DIB UGU LAABTAY DALKA TANZANIA

SH CABDULQADIR AL-AHDAL OO DIB UGU LAABTAY TANZANIA Daawo Sawirada

October 29, 2018
Next Post
Xafladda Arday ka Qalin-jabisay Mac-hadka Khadiija Bintu Khuwaylid ee Garowe

Xafladda Arday ka Qalin-jabisay Mac-hadka Khadiija Bintu Khuwaylid ee Garowe

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

November 5, 2025

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
  • Home
  • Services
  • Shuyookh
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com