Saturday, September 5, 2026
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos
Al Bayaan
No Result
View All Result
  • Login
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
No Result
View All Result
Al Bayaan
No Result
View All Result

Xafladda Arday ka Qalin-jabisay Mac-hadka Khadiija Bintu Khuwaylid ee Garowe

majlisalbayaan by majlisalbayaan
December 8, 2016
in Madaaris Activities, Somali
0
Xafladda Arday ka Qalin-jabisay Mac-hadka Khadiija Bintu Khuwaylid ee Garowe

Garoowe:-Maanta oo ah maalinimo Khamiis ah, taariikhduna ku beegantahay 12-11-2015, waxaa ka dhacay hoolka jaamacadda Bariga Afrika xaflad lagu maamuusayo ardey ka qalin-jabisay machadka diiniga ah ee Khadiija Bintu Khuwaylid dufcaddii 6-aad iyo 7-aad, ardeydaas oo gaaraya 74 ardey (16 wiil iyo 58 gabdhood).

Bilowgii xafladaan waxaa lagu furfuray aayaadka qur’aanka kariimka ah, ka dib waxaa uu maamulaha mac-hadka Khadiija: Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax, si toos ah u furay xafladaas, asagoo tilmaamay in xafladdu ay tahay xaflad qalin jabineed, waxaa kale oo maamuluhu bogaadiyey ardeydii u soo dhabar adaygtay barashada diinta islaamka ah muddada ay dhiganayeen machadka, waxa kale oo maamuluhu ka waramay taariikhdii machadka Khadiija iyo xilligii la aasaasay.

Ardeyda ku qalin-jabinaysay xafladdan ayaa soo bandhigtay khubdabo kala duwan, kuna kala baxaya luqada afka carabiga waxaana soo jeedisay ardeyad (Faadumo Cismaan Yuusuf) iyo afka soomaaliga, waxaana soo jeediyey ardey (C/laahi Sh.Maxamuud Xaji Yuusuf), waxayna uga hadleen khudbadahooda faa’idada ay leedahay barashada diinteena suubban.

Waxaa ka soo qayb galay xafladdaan marti sharaf kala duwan sida: xubno ka tirsan maamulka dawladda Puntland, Mu’assaadka dacawiga ah, culumo, salaadiin, waalid iyo marti kale.

Waxaa ka hadlay xafladdaan maamulka jaamacadda bariga afrika, waxa uuna sheegay in uu ku faraxsanyahay intaas ardey tiro le’eg in ay kasoo qalin-jabsheen machadka, waxa kale oo maamulka jaamacadu sheegay in ay ku deeqi doonta labada ardey ee ugu sareeya mac-hadka waxbarasho lacag la’aan ah (FREE).

Suldaan C/qani Qorone ayaa ka mid ahaa marti sharaftii ka hadashay xafladaas, waxa uu suldaanku tilmaamay inay tahay wax lagu farxo xafladaan, maadaama ay beeninayso in badan reer galbeed ku andacooda Xuquuqdii Dumarkaa Lalunsaday, maadaama ardeyda qalin-jabinaysay ay ka koobnaayeen saddex meelood labo meel dumar, waxa kale oo uu suldaanku tilmaamay in baridda hooyooyinku ay tahay wax muhiim ah.

Gudoomiyaha guud ee mu’asasada Al-Minhaaj Maxamed C/laahi C/lle , ayaa asna ka sheegay xafladaas in ay mu’asasadu u heellan tahay mar kasta faafinta diinta iyo dacwada, barashada diintuna ay ka mid tahay waxa ay mu’asasadu diyaar u tahay ku garab galkeeda cid kasta oo wadda, waxa uuna tilmaamay in machadka Khadiija kamid yahay macaahidda ugu sareeya kuwa ku yaalla deegaamada Puntland nidaam ahaan iyo tayo ahaanba, sidoo kale gudoomiyuhu waxa uu ka yaboohay in ay mu’asasadu siin doonto machadka Khadiija lacag dhan $1000 (kun dollar) abaal marin ahaan, iyo inuu machadka kasoo baxay waajibaadkii ka saarnaa dhanka bulshada ee ahaa inuu u gudbiyo waxbarasho tayo leh.

Gudoomiya raabidada isku xirta macaahidda Somalia Sheekh Axmed C/samad, ayaa asna xafladaas ka muujiyey dareenkiisa iyo in uu ku faraxsanyahay ardey intaas tiro le’eg oo soo baratay cilmiga sharciga ah, waxa uu sheekhu tilmaamay in ay bartaas kasii wataan waxbarashadoodii, ayna ku biiraan jaamicaadka ama waxbarashada heerka sare.

Gudoomiyaha guddoonka waxbarashada gobolka nugaal iyo agaasimaha tacliinta waaxda sare ayaa ka soo qayb galay xafladaan, si ay ula wadaagaan ardeyda qalin jabinaysa farxadda iyo raynraynta.

Ardeyda qalinjabinaysay ayaa gaba gabadii xafladda u qaybiyey jaa’isooyin dhamaan macallimiinta machadka Khadiija, sidoo kale maamulka machadka ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey ardeydii keentay darajaadka sare iyo ardeydii ugu firfircoonaa dhanka maamulka ardeyda iyo dhanka dacwada.

Nuur Jaamac Aadam :Xafiiska Warfaafinta

Mu’asasada AL-Minhaaj Puntland

Xigasho: http://halgan.net/2015/11/xafladda-arday-ka-qalin-jabisay-mac-hadka-khadiija-bintu-khuwaylid-ee-garowe-masawiro/

Previous Post

Xarunta AL-UMMAH oo 66 Arday oo Quraanka dhamaysay Shahaadooyin lagu gudoonsiiyay.[Masawiro]‏

Next Post

UUR DOOX Qaybta 5-aad: Mid baa gacanta taagay waxaa la waydiiyay wuxuu rabo, wuxuu yidhi waan soo tukanayaa, waxaa la yidhi ma jirto?

Related Posts

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

June 5, 2022
SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

December 27, 2018

Sheekh Cabdirashid Sh.Cali Suufi oo maanta soo gaaray magaalada Johannesburg, Daawo Sawirada

December 15, 2018
SH ABDULKADIR AL-AHDAL OO MAANTA DIB UGU LAABTAY DALKA TANZANIA

SH CABDULQADIR AL-AHDAL OO DIB UGU LAABTAY TANZANIA Daawo Sawirada

October 29, 2018
Next Post
Uur Doox: Mashruuca Islamiga ee Soomaaliya – Qaybtii 2-aad

UUR DOOX Qaybta 5-aad: Mid baa gacanta taagay waxaa la waydiiyay wuxuu rabo, wuxuu yidhi waan soo tukanayaa, waxaa la yidhi ma jirto?

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

November 5, 2025

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
  • Home
  • Services
  • Shuyookh
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com