Saturday, September 5, 2026
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos
Al Bayaan
No Result
View All Result
  • Login
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
No Result
View All Result
Al Bayaan
No Result
View All Result

DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED OO DHAN WAXAA QAMDARAAS SHIIDAAL BAARIS LOO SIIYAY NORWAY.

majlisalbayaan by majlisalbayaan
November 13, 2015
in Articles, Somali
0
DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED OO DHAN WAXAA QAMDARAAS SHIIDAAL BAARIS LOO SIIYAY NORWAY.

2015 Norwey waxaay HANTISAY dhulbadeedkii Soomaaliya oo idil in aay kaligeed SHIIDAAL BAARIS ku sameyso.

1980kii ayaa shirkadihii horay u joogay ka buriyeen Soomaaliya.

Linkiska hoose ka arag ama linkiska xiga ka dhageyso.

http://somalitalk.com/2009/may/13/badda125.html

http://somalitalkradio.com/cod/2011/fariinta_wadaniga_bashiir1.mp3

DHULBADEEDKA HARAY OO AH:-

HOBYO ILAA RAS KAMBOONI WAXAA HESHIIS LAGULA GALAY SPECTRUM ASA . 2015.

SIDAAS BAA NORWAY KU HANTISAY DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED.

Hobyo ilaa raas kambooni

Aqri halkan:-

Quote

Mudane Cabdullaahi Ciise (AHN) oo markaas ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Stockholm (Sweden) ayaa soo qalqaaliyay heshiisna la gaaray shirkadda WESTERN GECO oo ay xarunteedu tahay waddanka Norway. Shirkaddaasi sanadkii 1980kii ayay billowday in ay batrool ka baarto dhul-badeedka Soomaaliya ayadoo wajigii koowaad ceelal shidaal ka sahmisay Raas-Kamboni ilaa Baraawe. Wajigii labaadna Baraawe ilaa hoboyo.

Baaritaankaas shidaalka lagu sahminayay wuxuu qaatay muddo laba bilood ah, kadibna si loo ogaado natiijadii ka soo baxday baaritaanka markabkii howsha waday wuxuu dib ugu laabtay saldhiggiisii STAWANGER –Norwey. Ka dib, waxay noo sheegeen in baaritaankii ay ku guuleysteen qaybtaas dhul-badeedka Soomaaliya ee ay baareenna ay ka heleen laba god oo aad u waaweyn. Waxay noo sheegeen in keydka bartoorka ee ku jira labadaas god uu ka badanyahay keydka betroolka ee ku jira waddanka Norway oo dhan, ayadoo Nowey lagu tilmaamo dalalka ugu keydka batroolka badan qaaradda Yurub.

Shirkadda WESTERN GECO iyada oo ku faaneysa guusha ay ka gaartay sahmintii batroolka ayay warbixin arrinkaas ka hadlaya ku qortay Warside ( Bulletin) bishiiba mar soo baxa oo ay shirkaddu iska laheyd. Waxayna warkooda gaarsiiyeen shirkadaha batroolka baara si ay ugu muujiyaan guusha ay ka gaareen batroolkii ay Soomaaliya ka sahmiyeen.

Laga soo bilaabo sanadkii 1960kii waxaa soomaaliya shidaal ka baaray shirkado badan oo ay ka mid yihiin : AMOCO, CONOCO, PHILLIPS, CHEVRON, SHELL-(PECTEN), ARCO, AGIP, ENI, SINCLAIR, Total-Fina-ELF (French company). Shirkadahaasina waxay haystaan heshiisyadii ay la galeen xukuumadihii waddanka soo maray ilaa markii calanka la taagay. Waxayna shirkadahaasi iska leeyihiin xuquuqda shidaal baarista bad iyo berriba.

Shirkadahaasi markii ay heleen akhbaartii ku qorneyd warsidaha (bulletin) Western Geco wey baraarugeen oo Soamaaliya ayey isku wada shubeen, ayagoo ka doodaya kana soo horjeeda sababta shirkadda WESTERN GECO loogu oggolaaday in badda Soomaaliya batrool ka baarto. Waxayna shirkadahaasi ku doodeen in lagu xadgudbay heshiisyadii caalamiga ahaa ee lala galay.

Dowladdii Soomaliyeed waxaa khasab ku noqotay in ay si deg deg ah baaritaankii batrool uga joojiso shirkaddii WESTERN GECO, ayadoo heshiisku ahaa in ay baaraan badda Soomaaliya oo dhan. Baaritaankaas kharashka ku baxayay oo dhamaa $10 milyan oo doollar, waxaa bixinayay dowladda Norway. Kharashkii baaritaankaas hore ku baxay waxuu ahaa $2 malyan oo doolar, siddeeddii malyan oo doollar oo hartayna Norwey dib ayey ula laabatay oo waxay dheheen kharashkan waxaan ugu tala galnay baaritaan batrool. Halkaasna waxaa ku soo afjarmay rajadii ay Norway ka qabtay batroolka Soomaaliya

Unquote

Map 1) Heshiiska SPECTRUM ASA ee Norwey 2015.

Map 2) Heshiiskii Western Geco ee Norwey 1980.

Map 3) Heshiiskii SEABERD EXPLORATION ee Norwey laga leeyahay 2013.

image

Bashir Shekh Mohamed

bashirmohamud@yahoo.com

Xigasho:  http://somalitalk.com/2015/10/17/difaacidda-badda/

Previous Post

KOONFUR AFRIKA: Aqoon-kororsi loo Qabtay Macallimiinta Qur’aanka iyo Ducaada (SAWIRO)

Next Post

UNSOS – AMISOM: Mannala Hafrayaa Mise……

Related Posts

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

June 5, 2022
SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

December 27, 2018

Sheekh Cabdirashid Sh.Cali Suufi oo maanta soo gaaray magaalada Johannesburg, Daawo Sawirada

December 15, 2018
SH ABDULKADIR AL-AHDAL OO MAANTA DIB UGU LAABTAY DALKA TANZANIA

SH CABDULQADIR AL-AHDAL OO DIB UGU LAABTAY TANZANIA Daawo Sawirada

October 29, 2018
Next Post
DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED OO DHAN WAXAA QAMDARAAS SHIIDAAL BAARIS LOO SIIYAY NORWAY.

UNSOS – AMISOM: Mannala Hafrayaa Mise……

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

November 5, 2025

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
  • Home
  • Services
  • Shuyookh
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com