MUNAASABAD ISKUGU JIRTAY SHAHAADO SIINTA ARDAY QURAANKA DHAMEYSAY IYO FURITAANKA SHIR DIIMEEDKA JAALIYADA KOONFUR AFRIKA OO LAGU QABTAY MAGAALADA JOHANNESBURG.
Munaasabadaan iskugu jirtay shahaado siinta arday quraanka ka dhameysatay madarasada Albayaan ee magaalada Johannesburg iyo furitaanka shir diimeedka todobaad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo ay soo qaban qaabiyeen Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Albayaan laguna qabtay masjidka Imaam Shaafici ee Xaafadda Soomaalida Mayfair ee magaalada Johannesburg ayaa waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Culimada Soomaaliyeed ee iyagu lagu marti qaaday shir diimeedkaan oo ay ka mid ahaayeen Sh. Maxamed Idiris, Sh. C/raxiin Abul-Ceyneen, Sh. C/risaaq Xaashi, Sh. Axmed Nuur iyo Imaamyada Masjidka Imaam Shaafici Johannesburg Sh. Shariif iyo Masjidka Sunna Cape Town Sh. C/hi.
Munaasabadaan oo qeybteedii koowaad lagu siinayay shahaadooyin 17 arday oo quraanka dhameesay, laguna abaal marinayay araday kaalmaha hore kagalay tartan quraan oo ay qabatay madarasada Albayaan ee magaalada Johannesburg ayaa waxay ardaydu soo bandhigeen anaashiid iyo barnaamijyo ay ku amaanayeen waxbarashadooda iyo soodhaweynta culimada utimid shir diimeedka todobaad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.
Maamulaha madarasada Albayaan Macalin Maxamed Abuukar (Basbaas) oo ka hadlay munaasabada shahaado siinta ardayda quraanka dhameesatay iyo abaalmarinta ardayda tartan quraan oo ay madarasadu qabatay kaalmaha hore ka gaalay ayaa sheegay inay ardaydu ay madarasada ku bartaan qeybaha kala duwana ee barashada diinta islaamka iyo xifdinta quraanka.
Agaasimaha Gudiga Fulinta Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Albayaan ee dalka Koonfur Afrika Sh. Maxamuud Cadar oo ka hadlay munaasabadaan iskugu jirtay shahaado siinta ardayda quraanka ka dhameysay madarasada Albayaan iyo furitaanka Shir Diimeedka Todobaad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa sheegay inay kufaraxsan yihiin inay soo dhaweeyaan culimo meela fog fog uga timid sidii ay ugu baraarujin lahaayeen diinta islaamka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika.
Sheikh Maxamed Idiris oo ku hadlayay magaca culimada Soomaaliyeed ee soogaaray dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay inay kufaraxsan yihiin inay wallaalahooda Soomaaliyeed la wadaagaan baraarujinta diinta Islaamka, wuxuuna faah-faahin ka bixiyay halkudhiga sanadkaan ee shir diimeedka todobaad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo ah Xuska illaahey waa midka xasiliya qalbiyada bini’aadamka.
Ugu danbeyn, Shir diimeedka todobaad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo sanad walba xilliyadaan oo kale lagu qabto Koonfur Afrika ayaa waxaa lagu martiqaadaa culimada Soomaaliyeed ee ugu caansan dunida ee ku kala nool qaaradaha Yurub, Amerika, Afrika iyo Asiya, waxayna tagaan gobalada iyo magaalooyinka ay Soomaalidu ubadan tahay ee dalkaani Koonfur Afrika, Iyadoo ay inta badan ka faa’iideystaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee iskugu jira waxgarad, haween iyo dhalinyaro.
Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail: mmsidow@gmail.com
Johannesburg, Koonfur Afrika























