Wednesday, October 21, 2026
Serving the Ummah since 1996
  • Privacy Notice
  • YouTube Videos
  • Contact us
  • Al Bayaan Media
Al Bayaan
No Result
View All Result
  • Login
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
    • Leadership
  • Contact us
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
    • Leadership
  • Contact us
No Result
View All Result
Al Bayaan
No Result
View All Result

MUNAASABAD SHIRKII TODOBAAD EE JALIYADDA IYO XAFLAD QALIN JABIN.

majlisalbayaan by majlisalbayaan
December 26, 2016
in Madaaris Activities, Masaajid, Services, Somali
0
MUNAASABAD SHIRKII TODOBAAD EE JALIYADDA IYO XAFLAD QALIN JABIN.

MUNAASABAD ISKUGU JIRTAY SHAHAADO SIINTA ARDAY QURAANKA DHAMEYSAY IYO FURITAANKA SHIR DIIMEEDKA JAALIYADA KOONFUR AFRIKA OO LAGU QABTAY MAGAALADA JOHANNESBURG.

 

15747402_1173051749468665_6156776877064270683_n 15726771_1173053002801873_3020163827999041647_n 15672863_1173053349468505_3290099632304402213_n 15665641_1173051652802008_5386032697323325396_n 15665472_1173051722802001_650744939095648035_n 15622363_1173052536135253_1761357290181044976_n 15622155_1173053586135148_1153223254704282711_n

Munaasabadaan iskugu jirtay shahaado siinta arday quraanka ka dhameysatay madarasada Albayaan ee magaalada Johannesburg iyo furitaanka shir diimeedka todobaad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo ay soo qaban qaabiyeen Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Albayaan laguna qabtay masjidka Imaam Shaafici ee Xaafadda Soomaalida Mayfair ee magaalada Johannesburg ayaa waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Culimada Soomaaliyeed ee iyagu lagu marti qaaday shir diimeedkaan oo ay ka mid ahaayeen Sh. Maxamed Idiris, Sh. C/raxiin Abul-Ceyneen, Sh. C/risaaq Xaashi, Sh. Axmed Nuur iyo Imaamyada Masjidka Imaam Shaafici Johannesburg Sh. Shariif iyo Masjidka Sunna Cape Town Sh. C/hi.

Munaasabadaan oo qeybteedii koowaad lagu siinayay shahaadooyin 17 arday oo quraanka dhameesay, laguna abaal marinayay araday kaalmaha hore kagalay tartan quraan oo ay qabatay madarasada Albayaan ee magaalada Johannesburg ayaa waxay ardaydu soo bandhigeen anaashiid iyo barnaamijyo ay ku amaanayeen waxbarashadooda iyo soodhaweynta culimada utimid shir diimeedka todobaad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.

Maamulaha madarasada Albayaan Macalin Maxamed Abuukar (Basbaas) oo ka hadlay munaasabada shahaado siinta ardayda quraanka dhameesatay iyo abaalmarinta ardayda tartan quraan oo ay madarasadu qabatay kaalmaha hore ka gaalay ayaa sheegay inay ardaydu ay madarasada ku bartaan qeybaha kala duwana ee barashada diinta islaamka iyo xifdinta quraanka.

Agaasimaha Gudiga Fulinta Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Albayaan ee dalka Koonfur Afrika Sh. Maxamuud Cadar oo ka hadlay munaasabadaan iskugu jirtay shahaado siinta ardayda quraanka ka dhameysay madarasada Albayaan iyo furitaanka Shir Diimeedka Todobaad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa sheegay inay kufaraxsan yihiin inay soo dhaweeyaan culimo meela fog fog uga timid sidii ay ugu baraarujin lahaayeen diinta islaamka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika.

15622081_1173053439468496_2770483999551410273_n 15665820_1173053822801791_1765259392981910838_n 15697481_1173053446135162_792879772477325983_n 15697606_1173053746135132_3399967104540057570_n 15697836_1173053229468517_2995999557727249281_n 15726744_1173052802801893_5548946858390101350_n 15727115_1173053132801860_7423558434908897731_n 15740971_1173053212801852_7699494861167649136_n 15741062_1173053669468473_5226346673690051534_n

Sheikh Maxamed Idiris oo ku hadlayay magaca culimada Soomaaliyeed ee soogaaray dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay inay kufaraxsan yihiin inay wallaalahooda Soomaaliyeed la wadaagaan baraarujinta diinta Islaamka, wuxuuna faah-faahin ka bixiyay halkudhiga sanadkaan ee shir diimeedka todobaad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo ah Xuska illaahey waa midka xasiliya qalbiyada bini’aadamka.

Ugu danbeyn, Shir diimeedka todobaad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo sanad walba xilliyadaan oo kale lagu qabto Koonfur Afrika ayaa waxaa lagu martiqaadaa culimada Soomaaliyeed ee ugu caansan dunida ee ku kala nool qaaradaha Yurub, Amerika, Afrika iyo Asiya, waxayna tagaan gobalada iyo magaalooyinka ay Soomaalidu ubadan tahay ee dalkaani Koonfur Afrika, Iyadoo ay inta badan ka faa’iideystaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee iskugu jira waxgarad, haween iyo dhalinyaro.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail: mmsidow@gmail.com
Johannesburg, Koonfur Afrika

Previous Post

OGEYSIISKA SHIR SANADEEDKA TODOBAAD EE JAALIYADDA KOONFUR AFRIKA

Next Post

SHIR SANADEEDKA TODOBAAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO LAGU SOO GABAGABEEYAY MAGAALADA JOHANNESBURG.

Related Posts

Albayaan Council Management Training

Albayaan Council Management Training

October 12, 2026

Tartanka Caalamiga ah ee Qur’aanka & Fiqhiga ee K/Afrika 1448-2026

September 13, 2026

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

June 5, 2022
SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

December 27, 2018
Next Post
SHIR SANADEEDKA TODOBAAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO LAGU SOO GABAGABEEYAY MAGAALADA JOHANNESBURG.

SHIR SANADEEDKA TODOBAAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO LAGU SOO GABAGABEEYAY MAGAALADA JOHANNESBURG.

Madarasatu Rahma Graduation Ceremony

Madarasatu Rahma Graduation Ceremony

October 13, 2026
Madarasatu Sunnah Graduation Ceremony

Madarasatu Sunnah Graduation Ceremony

October 13, 2026
The International Prize for the Qur’an and Fiqh in South Africa

The International Prize for the Qur’an and Fiqh in South Africa

October 20, 2026

About Al Bayaan

Al Bayaan Islamic Council Trust has served the Muslim community in South Africa since 1996 through Islamic education, religious guidance and community service.

Quick Links

  • About Us
  • Leadership
  • Annual Reports
  • Contact Us
  • Privacy Notice
  • Al Bayaan Media

Contact Us

Al Bayaan Islamic Council Trust

📍 124 8th Avenue, Mayfair, Johannesburg, 2092

☎️ Office: +27 11 837 1424

📱 Mobile / WhatsApp: +27 73 316 5525

✉️ info@albayaan.co.za

🕘 Mon–Thu 08:30–16:30 · Fri 08:30–12:00 · Sat 08:30–16:30

  • Home
  • Services
  • Shuyookh
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us

© 2026 Al Bayaan Islamic Council Trust · Designed by Al Bayaan Media

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Leadership
  • Privacy Notice
  • Youtube Videos

© 2026 Al Bayaan Islamic Council Trust · Designed by Al Bayaan Media