Cape Town, 27 December 2017
Waxaa maanta lagu qabtay Masaajidka Alsunaah ee ku yaalla xaafadda Bellville, magaalada Cape Town xafladii xidhitaanka Bellville Islamic Primary iskuul oo hadda Afar sano jirsaday.
Waxaa maanta ka qalan jibiyay 21 arday oo ka soo gudbay fasalka hoose ee barbaratooyda una soo gudbay fasalka koowaaad, ayadoo halkaa lagu guddoonsiiyay shahaadada fasalka R-ta.
Waxaa ka soo qayb galay oo marti sharaf ku ahaa Sh Maxamed cabdi Umal oo ka yimid waddanka Kenya, Dr Sh Maxamuud Hoori oo ka yimid Soomaaliya, Garoowe, Sh Ramadaan Shible oo ka yimid waddanka Ingiriiska, London.
Waxaa isna goob joog maamuusan ahaa Dr Mawlana Cali Adam oo ah aasaasaha Islaamiya Koleeej ee ku yaalla Cape Town
.
Warbaahinta Albayaan , Cape Town.







