Johannesburg
Mu’tamarkii siddeedaad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo uu soo qaban qaabiyay Majliska Albayaan ee Koonfur Afrika, ayaa Caawa si habsami leh ooga furmay Masjidka Imaam Shaafici ee magaalada johannesburg, halkaasoo ay isugu yimaadeen dad aad u fara badan oo kala ayadoo lagu martiqaaday marti sharaf kala duwan .
Marti sharafta waxaa ka mid ahaa xoghayaha Koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee waddankan Md Ismaaciil Soomane, Duqa Xaafadda, ahna ku xigeenka duqoowda magaalada Johannesburg ee gobolka Gauteng, cuuladii shirka ku martiqaadneed, golaha trustiiga, gudoomaiyaha golaha fulinta iyo marti kalaba.
Culumada sannadkan ku martiqaadan waxay kala yihiin sida ogeysiiskii horeba aanu ku sheegnay.
Sh Dr Axmed Daahir Aweys, Sh Maxamed Cabdi Umal, Sh Dr Maxamuud Hoori, Sh Dr Cabdirisaaq Takar, Sh Dr Mahad Sh Maxamed, Sh Eng Suldaan Cabdiqani Qorane, Sh Ramadaan Shible iyo Sh MAxbuub Hiirmooge iyo Sh Cali Hadaafoow.
Warbaahinta albayaan; Johannesburg



















