Johannesburg: Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Koonfur Afriak SS SA iyo Ururka Dhalinyarada Albayaan oo iska kaashaday qabashada siminaar ka dhacay Hoolka shirarka ee Nuura ee magaalada Johannesburg, siminaarkaasoo lagu wacyi galinayo ardayda dhigata dugsiyada sare iyo kuwa sannadkan ka qalinjabinaya ee u socda Jaamacadaha waddanka.
Waxaa isugu yimid arday iyo waalid badan kuwaasoo ka kala yimid magaalooyinka Johannesburg , Pretoria iyo Rustenburg. Ardayda waxaa halkaa loogu soo bandhigay qaabka ay ula falgali lahaayeen waxbarashadooda, iyo qaabka ay u dooran lahaayeen jaamacadaha ay doonayaan inay dhigtaan sida loo buuxiyo foomamka iyo goobaha laga heli karaba.
Waxaa kaloo loo soo bandhigay Engineernimada iyo sida lagu noqon karo qeexid iyo dhiiragalinba waxaa ka bixiyay Ridwaan oo ah arday dhigta Injineeriyada Wits. Waxaa kaloo iyana ka hadlay Ikraan oo dhinaca Caafimaadka iyo dhakhtirnimo kala hadashay, dhinaca kale looyarnimada, cilmi nafsiga Cumar Cabdirashiid ayaa isna ka hadlay, sidoo kale Maxamed Axmed oo isna ka hadlay Accountinka iyo wixii ku lifaaqan.
Waxaa xidhiidhiye u ahaa Sh Jaamac Bashiir.

















![Towxiidka iyo Khatarta Shirkiga Sh.Cabdinaasir Xaaji Axmed.[Daawo Video-ga]](https://albayaan.co.za/wp-content/uploads/2015/10/cabdinasir.jpg)
