Abdikarim Mursal Farah | Cape Town, South Africa | 16 April 2017
Waxaa maanta magaalada Cape Town lagu soo gaba gabeeyay Siminaar laba maalin socday oo lagu baranayay hogaaminta iyo maamulka, si kor loogu qaado aqoonta howlwadeennada, masuuliyiinta iyo macalimiinta Golaha Dacwada Albayaan.
Siminaarkan oo sanadkiiba laba jeer la qabto ayaa waxaa kasoo qeybgala xubnaha Albayaan ee ka kala yimaada gobalada South Africa, waxayna ku lafa guraan sidii loo tayeeynlahaa aqoonta iyo xirfadda howlwadeennada, taasoo wax weyn kusoo kordhinkardhisa horumarka Albayaan.
Kulankan ayaa waxaa uu daba socday mid khamiistii lagu qabtay markazka Alsunnah ee ku yaala magaalada Cape Town, kaas oo ay isugu yimaadeen dadka ducaadda ah ee ku sugan gobalka Western Cape si ay u kala warqaataan, waxaana looga dooday sida ugu haboon ee wax looga qaban karo caqabadaha heysta bulshada.
Sources: wakaaladda.com









