Saturday, September 5, 2026
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos
Al Bayaan
No Result
View All Result
  • Login
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
No Result
View All Result
Al Bayaan
No Result
View All Result

Kulanka sanadlaha ah ee ducaadda Western Cape oo lagu qabtay Cape Town

majlisalbayaan by majlisalbayaan
April 20, 2017
in Articles, Masaajid, Social Affairs, Somali
0

Abdikarim Mursal Farah | Cape Town, South Africa| 14 April 2017

Sh Cabdullahi, Sh Xuseen Shibis iyo Sh Dr Yusuf Maxamed
Sh Cabdullahi, Sh Xuseen Shibis iyo Sh Dr Yusuf Maxamed

Kulankan oo ahaa mid sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Golaha Dacwada Albayaan, waxaana ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee dadka ka qeybqaata fidinta diinta ee  ku sugan gobalka Western Cape.

Shirkan oo ah mid sanad walba ay dadka ducaadda ah ku kala warqaataan islamarkaana looga doodo sida ugu haboon ee wax looga qaban karo caqabadaha heysta bulshada, waxaana diiradda lagu saaray sanadkan waxyaaba badan oo loo arko in halis uu ku yahay jiritaanka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa gaar ahaan deegaanada u dhaw magaalada Cape Town.

Sheekh Cabdullahi Cabdi Ibrahim oo ah iimaamka masjidka Al-sunnah ee ku yaala xaafadda Bellville, ayaa ducaadda u jeediyay muxaadaro uu kaga hadlay ahmiyadda ay leedahay dacwada iyo in dadka Rabbigood loogu yeero iyo sidii loo gudanlahaa waajibaadkaasi.

Sh. Dr.Yuusuf Maxamed Xuseen oo isaguna  kamid ah culimada Soomaaliyeed ee dalka South Africa kana yimid magaalda Pretoria si uu uga qeybqaato kulankaasi loo qabtay ducaada, ayaa waxaa uu  kahadlay qaabka ugu wanaagsan ee dadka loogu sheegi karo diinta iyo sifooyinka laga rabo qofka diinta fidinaya.

Intii uu socday kulanka ducaadda ayaa waxaa siweyn looga dooday waxyaabo badan ee uu kamid yahay khaadka oo ku soo badanaya xaafadda ay Soomaalida ku badantahay ee Bellville.

Waxaan u baahanahay is badal, maadaama ay ilmihii soo bateen halka ay jiraan kuwa badan oo wadankan ku dhashay dabeetana ku qaan gaaray, badbaadadeenuna waxay ku jirtaa dacwada iyo u qidmeynta diinta islaamka sidaasi waxaa yiri Sheekh Xuseen Shibis oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee dalka South Africa.

Haddaba dadkii halkaasi isugu yimid ayaa isla qiray in bulshada ay u baahantahay in lagu soo kordhiyo wax walba oo wanaag ah oo anfacaya adduun iyo aakhiro. Iyadoo laga yaabo in bulshada qaarkeed aysan ogeyn sababta ay u noolyihiin.

Macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada Quraanka iyo madaaris kale oo ka qeybqaadanayay kulanka ayaa qaarkood waxaa ay soo jeediyeen talooyin muhiim ah oo ku aadan waalidiinta iyo sida ugu wanaagsan ee ay ula macaamili karaan carruurka halkaan ku kortay oo ah kuwa ugu nugul in uu doorsoomo dhaqankooda iyo diintooda.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa lagu balamay in Albayaan ay waalidiinta u qabato kulan muhiim ah oo looga tashanayo  mustaqbalka carruurta iyo sidii looga bad-baadin lahaa khatarta ku hareereysan ee xilli walba ay la jaan qaadi karaan, iyagoo u arka in ay haboontahay in wax walba laga wardoono waa sida ay dhalinyara badan ku barten noocyda kala duwan ee muqaadaraadka.

Xigasho: wakaaladda.com

 

 

Previous Post

Daawo Maqal iyo Muuqaal Dhamaan Muxaadaraadkii laga jeediyey Nadwo lagu qabtay magaalada Nairobi

Next Post

Siminaar laba maalin socday oo maanta lagu soo gaba-gabeeyay Cape Town

Related Posts

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

June 5, 2022
SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

December 27, 2018

Sheekh Cabdirashid Sh.Cali Suufi oo maanta soo gaaray magaalada Johannesburg, Daawo Sawirada

December 15, 2018
SH ABDULKADIR AL-AHDAL OO MAANTA DIB UGU LAABTAY DALKA TANZANIA

SH CABDULQADIR AL-AHDAL OO DIB UGU LAABTAY TANZANIA Daawo Sawirada

October 29, 2018
Next Post
Siminaar laba maalin socday oo maanta lagu soo gaba-gabeeyay Cape Town

Siminaar laba maalin socday oo maanta lagu soo gaba-gabeeyay Cape Town

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

November 5, 2025

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
  • Home
  • Services
  • Shuyookh
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com