Saturday, September 5, 2026
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos
Al Bayaan
No Result
View All Result
  • Login
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
  • Home
    • English
    • Somali
  • Services
    • Social Affairs
    • Masaajid
    • Madaaris Activities
    • Notices
    • Conferences
    • Competitions
    • Seminars/Workshops
    • Jumuah Talks
    • Taleem
    • Marriage
    • Mediation
    • Funeral Notices
  • Shuyookh
    • SH.Shible
    • SH.Umal
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us
No Result
View All Result
Al Bayaan
No Result
View All Result

Warbixin lagu sheegay Qasaaraha soo gaaray Soomaalida South Africa Sanadka 2017

majlisalbayaan by majlisalbayaan
January 10, 2018
in Articles, Social Affairs, Somali
0
Warbixin lagu sheegay Qasaaraha soo gaaray Soomaalida South Africa Sanadka 2017

Warbixin ay Soo saartay mid kamid ah jaaliyadaha Soomaalida South Africa ayaa lagu sheegay in wali ay taagantahay dhibaatadii joogtada aheyd ee lagu bartilmaameedsanayay Soomaalida South Africa, waxay xaqiijiyeen tirada dadka Soomaalida ah ee lagu dilay dalka South Africa iyo qiyaasta qiimaha hantida ah ee lagubay amaba la boobay sanadka 2017-ka.

Save Somali Commnunity oo ah jaaliyadda soo saartay warbixintaasi ayaa sheegtay in sanadka 2017 lagu dilay dalka South Africa dad Soomaali ah oo tira ahaan kor u dhaafaya 137 qof  oo intooda badan lagu dilay iyagoo ku sugan goobahooda ganacsiga, halka qaarka kale ay u adeegayeen dukaamadooda.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu faah-faahiyay gobalada lagu kala dilay dadkaasi, iyadoo gobalka Western Cape ee magaalamadaxdiisutahay Cape Town lagu dilay sanadkan dadka ugu badan oo tira ahaan lagu sheegay 53 qof, halka deegaanada hoosyimaada Johannesburg iyo guud ahaanba gobalka Gauteng lagu dilay 42, sidoo kale gobalada Limpopo iyo Eastern ayaa isku darkoodu waxaa lagu dilay dad tira ahaan lagu sheegay 36. Warbixinta ayaa intaasi raaciyay iney jiraan 74 qof oo Soomaali ah oo uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan, halka hanti aad u badan oo gaadiid iyo dukaamaba leh la gubay qaarna la dhacay.

Guddoomiyaha Save Somali Community Cabdi Calas Guure oo aan arrinkaasi si gaar ah uga wareystay ayaa ii sheegay in ilaa iyo hadda aan la xaqiijin Karin tirada saxda ah ee dadka lagu dilay gobalka Kwazulu-Natal, balse ay ku mashquulsanyihiin sidii ay ku hali lahaayeen xogta arrintaasi ku aadan.

Soomaalida South Africa ayaa ah dhibanayaal si joogta ah loogu dilo dalka South Africa, mana jirto cid muuqaata oo ku howlan wax ka qabashada dilka iyo dhaca loogeysto Soomaalida South Africa, marka laga reebo dowladda dalka South Africa oo mararka qaar isku dayda iney sameeyso barnaamijyo wacyi galin ah, iyadoo ciidamada police-ku ay har iyo habeenba u taaganyihiin sugidda amaanka guud ee dalka South Africa.

Abdikarim Mursal Farah

Cape Town South Africa

Previous Post

XAFLADDII AFARAAD EE XIRITANKA EE ISKUUL BELLVILLE ISLAMIC PRIMARY-BELLVILLE

Next Post

Qormo ku saabsan Shir Sanadeedka Jaaliliyadda Soomaaliyeed ee South Africa

Related Posts

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

FURITAANKII MU’TAMARKII 12aad EE GOLAHA DACWADA KONFUR AFRIKA – JOHANNESBURG

June 5, 2022
SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

SHIR SANADEEDKII 9AAD EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRIKA OO SI RASMI AH UGA FURMAY JOHANNESUBURG

December 27, 2018

Sheekh Cabdirashid Sh.Cali Suufi oo maanta soo gaaray magaalada Johannesburg, Daawo Sawirada

December 15, 2018
SH ABDULKADIR AL-AHDAL OO MAANTA DIB UGU LAABTAY DALKA TANZANIA

SH CABDULQADIR AL-AHDAL OO DIB UGU LAABTAY TANZANIA Daawo Sawirada

October 29, 2018
Next Post
Qormo ku saabsan Shir Sanadeedka Jaaliliyadda Soomaaliyeed ee South Africa

Qormo ku saabsan Shir Sanadeedka Jaaliliyadda Soomaaliyeed ee South Africa

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

THE INTERNATIONAL PRIZE FOR THE QURAN AND FIQH IN SOUTH AFRICA

November 5, 2025

TARTANKA QURAANKA KARIIMKA EE ALBAYAAN 1445/2024 – JOHANNESBURG

March 28, 2024
XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

XAFLAD MAAMUUS AH ARDAYDA KA QALIN BADDALATAY DUGSIGA SARE- JOHANNESBURG

June 5, 2022
  • Home
  • Services
  • Shuyookh
  • Videos
  • Annual Reports
  • About us
  • Contact us

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
  • About us
  • Contact us
  • Home
  • Youtube Videos

Al-Bayaaan © 2025 Designed by : Rashaad Sallie.com