Abdikarim Mursal Farah | Cape Town, South Africa| 14 April 2017

Kulankan oo ahaa mid sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Golaha Dacwada Albayaan, waxaana ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee dadka ka qeybqaata fidinta diinta ee ku sugan gobalka Western Cape.
Shirkan oo ah mid sanad walba ay dadka ducaadda ah ku kala warqaataan islamarkaana looga doodo sida ugu haboon ee wax looga qaban karo caqabadaha heysta bulshada, waxaana diiradda lagu saaray sanadkan waxyaaba badan oo loo arko in halis uu ku yahay jiritaanka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa gaar ahaan deegaanada u dhaw magaalada Cape Town.
Sheekh Cabdullahi Cabdi Ibrahim oo ah iimaamka masjidka Al-sunnah ee ku yaala xaafadda Bellville, ayaa ducaadda u jeediyay muxaadaro uu kaga hadlay ahmiyadda ay leedahay dacwada iyo in dadka Rabbigood loogu yeero iyo sidii loo gudanlahaa waajibaadkaasi.
Sh. Dr.Yuusuf Maxamed Xuseen oo isaguna kamid ah culimada Soomaaliyeed ee dalka South Africa kana yimid magaalda Pretoria si uu uga qeybqaato kulankaasi loo qabtay ducaada, ayaa waxaa uu kahadlay qaabka ugu wanaagsan ee dadka loogu sheegi karo diinta iyo sifooyinka laga rabo qofka diinta fidinaya.
Intii uu socday kulanka ducaadda ayaa waxaa siweyn looga dooday waxyaabo badan ee uu kamid yahay khaadka oo ku soo badanaya xaafadda ay Soomaalida ku badantahay ee Bellville.
Waxaan u baahanahay is badal, maadaama ay ilmihii soo bateen halka ay jiraan kuwa badan oo wadankan ku dhashay dabeetana ku qaan gaaray, badbaadadeenuna waxay ku jirtaa dacwada iyo u qidmeynta diinta islaamka sidaasi waxaa yiri Sheekh Xuseen Shibis oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee dalka South Africa.
Haddaba dadkii halkaasi isugu yimid ayaa isla qiray in bulshada ay u baahantahay in lagu soo kordhiyo wax walba oo wanaag ah oo anfacaya adduun iyo aakhiro. Iyadoo laga yaabo in bulshada qaarkeed aysan ogeyn sababta ay u noolyihiin.
Macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada Quraanka iyo madaaris kale oo ka qeybqaadanayay kulanka ayaa qaarkood waxaa ay soo jeediyeen talooyin muhiim ah oo ku aadan waalidiinta iyo sida ugu wanaagsan ee ay ula macaamili karaan carruurka halkaan ku kortay oo ah kuwa ugu nugul in uu doorsoomo dhaqankooda iyo diintooda.
Gabagabadii kulanka ayaa waxaa lagu balamay in Albayaan ay waalidiinta u qabato kulan muhiim ah oo looga tashanayo mustaqbalka carruurta iyo sidii looga bad-baadin lahaa khatarta ku hareereysan ee xilli walba ay la jaan qaadi karaan, iyagoo u arka in ay haboontahay in wax walba laga wardoono waa sida ay dhalinyara badan ku barten noocyda kala duwan ee muqaadaraadka.
Xigasho: wakaaladda.com






